4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 18, 2018
Ra’iisal wasaare Kheyre oo u yeeray howlwadeennada safaarada Soomaaliya ee dalka Sudan

 

Sabti, August, 18, 2018 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ku wargeliyay sii hayaha safaaradda, dhammaan diblamaasiyiinta iyo u-qayb-sanayaasha ka hawl-gala safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Khartuum ee dalka Suudaan in si deg deg ah ku ugu soo laab-taan xarunta wasaaradda arimaha dibadda si wadatashi loola yeesho mudda ku siman laba toddobaad oo ka bilaabanaysa 19/08/2018.

Amarkan oo maanta ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga oo uu ku saxiixanyahay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda, Danjire Siciid Xaaji Maxamuud, ayaa lagu war-geliyay mas’uuliyiinta in ay dhawraan waqtiga loo qabtay in ay dalka ku soo laabtaan.

U yeeridda Diblamaasiyiinta iyo hawl-wadeennada safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Khartuum ayaa ka dambeeyay cabsasho Ardayda Soomaaliyeed ee Suudaan ay ka gudbiyeen mas’uuliyiinta safaaradda intii lagu guda jiray safarkii dhawaan uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku tageen Khartuum.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]