4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 18, 2018
Kofi Annaan oo geeriyooday Sabtidii maanta

 

Sabti, August, 18, 2018 (HOL) –Xog-hayihii hore ee Qaramada oo ku guuleystay mar abaal-marin Nobel Peace Prize ayaa ku geeriyooday da’da 80 sano Sabtidii maanta.

Annan ayaa noqonaya qofkii ugu horeysay oo madow ah oo ku gaara jagada ugu sareysa ee Diblomaasiyada caalamka intii u dhaxeysay sanadii 1997- 2006.

Sidoo kale Kofi Annan ayaa sidoo kale noqday ergeyga gaaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Suuriya, isagoo hogaaminayey dadaalka ku saabsan sidii xasaradda dalkaas ka taagan xal loogu heli lahaa.

Kofi Annan ayaa ka qeybqaatay nabadeynta iyo xal u raadinta dalal badan oo caalamka oo ay ka dhaceen qalalaase siyaasadeed iyo mid bani’aadannimo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]