Sabti, August, 18, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha dalka Germalka
Chancellor Angela Merkel iyo Madaxweynaha dalka Russian Vladimir Putin ayaa
manta lagu wadaa in ay kulmaan oo ay ka wadahadlaan xiriirka 2-da dal tan
iyo markii ciidamada Russia 4-sano kahor ay qabsadeen gobolka Crimea ee dalka
Ukraine .
Kulanka manta ayaa noqonaya mid lagu xoojinaayo xiriirka labada dal,isla
markaana ka looga hortagaayo ama wajahaya gardarada Mareykanka ee dhinaca
ganacsiga ,gaar ahaan canshuuuraha lagu soo rogay biraha iyo macdanta
Aluumiyamka ee Midowga Yurub.
Merkel iyo Putin kulankoodii ugu dambeeyay,waxa uu ka dhacay magaalada Sochi
4-bilood ka hor,halkaas oo looga hadlay rabshadaha ka taagan Ukraine iyo
fidinta dhismaha qasabadaha qaada gaaska ee ka imaanaya Russia kuna socda
Germalka.
Kulanka oo ka dhacaya gurigga martida dowladda ee duleedka magaalada
Berlin,waxaa ka mid ah qodobada loga hadli doono dagaalada
Suuriya.rabshadaha Ukraine iyo dhismaha tubbooyinka qaada gaaska,sida laga soo
xigtay Afhayeen u hadlay dowladda Germnalka.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]