4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 18, 2018
Saddex ruux oo ku dhaawacmay rasaas lagu furay gaari ay la socdeen – degmada Ceel-Waaq

 

Sabti, August, 18, 2018 (HOL) – Saddex ruux ayaa ku dhaawacmay rasaas lagu furay Jimcihii shalay gaari ay la socdeen oo marayay inta u dhaxeysa deegaannada Ceel-Waaq iyo War-guduud sida uu warbaahinta u sheegay qof ka tirsan dadkii dhaawacu soo gaaray.

Dhibanaha oo diiday in magaciisa la adeegsado ayaa sheegay in markii gaariga rasaasta lagu furayay uu ku sii jeeday degmada Mandheera, waxaana uu intaa ku daray mar kaliya ay ka war heleen rasaas ku socta gaarigii ay sar-naayeen.

‘’Waxaan soo baxnay Ceel-Waaq markii aan ku soo dhawaannay deegaanka Warguduud waxaa ka war helnay rasaas nagu socta, dhamaanteen dhulka ayaa wada seexanay muddo ayeey-na rasaastu soctay’’ ayuu yiri dhibanaha la hadlay warbaahinta.

Saddex ruux oo dhaawacoodu halis yahay ayaa hadda lagu daweynayaa isbitaal ku yaala degmada Mandheera, waxaana ay dhakhaatiirtu sheegeen inkastoo uu jiray dhiig bax aad u daran hadda xaaladoodu tahay mid degan.

Lama oga sababta loo weeraray gaariga ay la socdeen dadkan rayidka ah, hasse ahaatee saraakiisha amniga ayaa sheegay in ay baarayaan,

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]