3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 18, 2018
Duqa Muqdisho oo la kulmay Guddiga qaban-qaabada Carwada Buugaagta Muqdisho


Sabti, August, 18, 2018 (HOL) - Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo casho sharaf u sameeyey Guddiga qaban-qaabada Carwada Buugaagta Muqdisho ayaa ku ammaanay dadaalka ay ku bixiyeen qabsoomidda bandhiggan.

Guddoomiyaha ayaa uga mahad-celiyey boqolaalka qoreyaasha ah ee dhallinyarada u badanaa, kuwaas oo ka kala yimid guud ahaan gobollada dalka iyo dibaddaba, dadaalka ay bixiyeen, isagoona tilmaamay in bandhigga buugaagta Muqdisho uu fursad u noqday maktabado laga qorsheynayo in laga hirgeliyo qaar ka mid ah gobollada dalka.

“Kasakow boqollaalkii aqoonyahannada ahaa ee maalmihii la soo dhaafay fursad u helay in ay ka faaiideystan buugaagta aad soo bandhigteen, haddana waxaa ka dhex abuurmay carwada buugaagta Muqdisho qorsheyaal lagu hirgelinayo Maktabadaha magaalooyinka Cadaado iyo Garbahaareey oo boqolaal buugaag ah loogu yaboohay.”

Eng.Yarisow ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay ka shaqeynta sidii loo joogteyn lahaa Carwada Buugaagta Muqdisho, iyadoona dhiiri gelin joogta ah loo sameynayo qalinleyda iyo xarumaha cilmi barista Gobolka.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay ganacsatada Gobolka Banaadir iyo Xarumaha Waxbarashada in ay ka qeyb qaataan baahinta buugaagta lagu soo bandhigay Carwada, si dhalinyarada loogu jiheyo wax qorista iyo wax akhrinta.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu kula dardaarmay qoreyaasha Soomaaliyeed in ay qalinkooda ku taageeraan horumarka dalka, kuna waajahaan cadowga shacabka Soomaaliyeed ee argagixsada Alshabaab, iyagoona jiilasha maanta iyo kuwa berriba xasuus reeb uga sameynaya dhibaatooyinka iyo hagar-daamada argagixisadu ay ku sameeyeen shacabka Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/18/2018 10:46 AM EST
Sabti, August, 18, 2018 (HOL) – Gudoomiyaha guddida ilaalinta iyo dabagalka hantidda Qaranka ee golaha Wakiiladda Somaliland Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa xilkii gudidaasi laga qaaday ka dib markii uu qaar ka mid ah wasiiradii xukuumadii hore ee Axmed Siilaanyo iyo shirkaddo ganacsi ku eedeeyey inay qayb ka ahaayeen lunsi hanti qaran.

8/18/2018 10:14 AM EST
Sabti, August, 18, 2018 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ku wargeliyay sii hayaha safaaradda, dhammaan diblamaasiyiinta iyo u-qayb-sanayaasha ka hawl-gala safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Khartuum ee dalka Suudaan in si deg deg ah ku ugu soo laab-taan xarunta wasaaradda arimaha dibadda si wadatashi loola yeesho mudda ku siman laba toddobaad oo ka bilaabanaysa 19/08/2018.

8/18/2018 9:36 AM EST
Sabti, August, 18, 2018 (HOL)–Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay inay mooshin ka gudbiyeen shirkadda DP World ee maamusha dekedda magaalada Boosaaso.

8/18/2018 6:51 AM EST
Sabti, August, 18, 2018 (HOL) –Xoghayihii hore ee Qaramada oo ku guuleystay mar abaal-marin Nobel Peace Prize ayaa ku geeriyooday da’da 80 sano Sabtidii maanta.

8/18/2018 5:33 AM EST
Sabti, August, 18, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha dalka Germalka Chancellor Angela Merkel iyo Madaxweynaha dalka Russian Vladimir Putin ayaa manta lagu wadaa in ay kulmaan oo ay ka wadahadlaan xiriirka 2-da dal tan iyo markii ciidamada Russia 4-sano kahor ay qabsadeen gobolka Crimea ee dalka Ukraine .

8/18/2018 5:15 AM EST
Sabti, August, 18, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Pakistaan Imran Khan.

8/18/2018 5:04 AM EST
Sabti, August, 18, 2018 (HOL) – Munaasabad lagu soo dhoweynayey Macalimiin ka timid Jaamacadda caalamiga ah ee Afrika (International University oo Africa) ee dalka Sudan, kuwaasoo marti u ah Jaamacadda Banaadir oo ka mid ah jaamacadaha dalkeena ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

8/18/2018 2:12 AM EST
Sabti, August, 18, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Eritrea Isayas Afeworki ayaa aqbalay mar kale in uu booqasho ku tago dalka Itoobiya, laakiin lama shaacin waqtiga rasmiga ah oo ay booqashada madaxweynaha dhici doonto.

8/18/2018 2:02 AM EST
Sabti, August, 18, 2018 (HOL) – Saddex ruux ayaa ku dhaawacmay rasaas lagu furay Jimcihii shalay gaari ay la socdeen oo marayay inta u dhaxeysa deegaannada Ceel-Waaq iyo War-guduud sida uu warbaahinta u sheegay qof ka tirsan dadkii dhaawacu soo gaaray.

8/18/2018 1:23 AM EST
Sabti, August, 18, 2018 (HOL) - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay in ay ahayd in dadka Falastiiniyiinta si wanaagsan loo ilaaliyo oo loo difaaco iyada oo loo sii marayo waxa uu ku tilmaamay joogitaan xooggan oo ay Qaramada Midoobay ka muuqto dhulka ay Israa'iil haysato.

8/18/2018 1:11 AM EST
Sabti, August, 18, 2018 (HOL)-Maamulka Jubbaland ayaa awood ciidan u adeegsanaya joojinta dagaal beelleed maalmihii ugu danbeeyayba ku dhaxmarayay dulleedka Galbeed ee magaalada Kismaayo labo beelleedo oo isku haya dhul la doonayay in laga qodo ceel biyood,waxaana lagu waramayaa in mudaddii uu dagaalkoodu soo taagnaa ay ku dhinteen dad ka badan 50 ruux.