Dowladda Soomaaliya oo Kenya kula heshiisay diyaaraddaha Qaadka in la saaro Kalluun
Jimco, August,
17, 2018 (HOL) – Wasiirka
Ganacsiga iyo Wershadaha ee Soomaaliya , Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ku
sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa wada-hadal la yeeshay
dhiggiisa dalka Kenya,Peter G. Munya.
Wada-hadalka oo waqti qaatay ayaa marka uu soo dhammaaday waxaa ay
wasiirrada ganacsiga ee Soomaaliya iyo Kenya ay sheegeen in ay ku heshiiyeen
qodobbo dhowr ah, waxaa cusub ayaa ah in heshiiska uu qeyb ka yahay qodob
sheegaya in diyaaradaha Qaadka ka qaada Kenya ay dhankooda Soomaaliya ka soo
qaadan Kalluun la sheegay in loo iibgeynayo suuqyada Kenya.
Heshiiska qodobbada kale ee ku jira waxaa ka mid ah, in la
hir-geliyo heshiiskii wadaagga ganacsiga ee ay labada Madaxweyne ee Soomaaliya
iyo Kenya ku yeesheen Nairobi 29 November 2017, In la dheelli-tiro ganacsiga
labada Waddan, in Soomaliya laga caawiyo sidii ay ganacsi xor ah ula yeelan
lahayd waddamada ku mideysan ururrada EAC iyo COMESA, iyo in labada
Wasaaradood ay iska kaashadaan dhinaca farsamada iyo shuruucda.
Soomaaliya ayaa bishii July ee sannadkan ku biirtay suuqa
ganacsiga xorta ah ee bariga iyo bartamaha qaaradda Afrika ee loo yaqaan
COMESA, waxanay hir gelinta heshiisyadan ay Soomaaliya la-gashay Kenya dhabbaha
u xaarayaan inuu soo kabto dhaqaalaha dalka oo muddo hooseeyay.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
Nairobi, Kenya