Jimco, August, 17, 2018 (HOL) – Madaxweynaha
Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo howlo shaqo
u joogay dalka Jabuuti ayaa maanta oo Jimca ah u ambabaxay dalka Turkiga,
markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa, Recep Tayyip Erdoğan.
Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirika
Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Ordogan
ay ka wada hadli doonaan adkaynta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, iskaashi
ku aaddan xoojinta dhaqaalaha,ammaanka,is-dhaafsiga ganacsiga iyo maalgashiga.
Madaxweynaha ayaa inta uu Turkiga jooga wuxuu
halkaas kaga qayb geli doonaa Lix Sano guuradii kasoo wareegatay markii la
aas-aasay xisbiga haatan talada dalka haya ee AK Part, oo ku beegan Berri oo ay
Taariikhdu tahay 18-ka Augost.
Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada
Jabuuti kusii sagootiyay madaxda ugu sarreysa dalkaas.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]