Jabuuti : Xiriirka Soomaaliya nagala dhaxeeya wuxuu sii ahaan doonaa mid xooggan
Jimco, August, 17, 2018 (HOL) –
Wasiirka arrimaha dibedda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa boggiisa
Twitter-ka soo dhigay qoraal kooban oo uu uga hadlayo xiriirka labada dowladood
Jabuuti iyo Soomaaliya.
Wasiirka ayaa Qoraalkiisa ku
sheegay in xiriirka dhaxeeya labada dal uu sii ahaan doono mid xoogan marka loo
eego khilaafkii dhawaan ka dhashay booqashadii madaxweynaha Soomaaliya bishii
tagtay ee July uu ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.
Booqashada madaxweyne Farmaajo
ee dalka Jabuuti uu ku joogo iyo kulamada uu la qaatay dhiggiisa Ismaaciil
Cumar Geelle ayuu ku sheegay in ay dhidibada u sii adkeyn doonto xiriirka
walaal-timo ee labada dowladood.
Dhab ahaa lama shaacin wax –yaabaha
ay ka wada hadleen labada madaxweyne iyo wax ay iska yiraaheen tabashadii ay
Jabuuti ka muujisay khudbadii madaxweyne Farmaajo ee Asmara, haddana dhinaca
dhinaca kale waxaa iska muuqata in kulamdii ugu danbeeyay ee dhacay leys kula
soo qaaday arrintaa iyada ah.
Jabuuti waxaa ay qeyb ka tahay
howlgalka midowga Africa AMISOM waxaan Soomaaliya ka jooga Kumannaan ciidamo ah
oo gaar ahaan ka howlgalka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]