4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 17, 2018
Dowladda Soomaaliya oo rabta in ay hergaliso sharciga Iibka Qaranka

 

Jimco, August, 17, 2018 (HOL)–Kaddib kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen  xubnaha golaha Wasiirradda Soomaaliya ayaa hay’addaha iyo wasaaraddaha kala duwan ee dowladda lagu amray  in ay ixtiraamaan, raacaan kuna dhaqmaan sharciga iibaka qaranka ee dalka u yaalla si qandaraasyada la bixinayo iyo heshiisyada lala gelayo hay’adaha caalamiga ah ay u noqdaan kuwa sharciyaysan oo loo maray hannnaanka saxda ah.

Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa tilmaamay in dhaqan-gelinta sharciga iibka qaranka oo qabyo u ah wasaaradda maaliyadda looga dooday kulankii golaha wasiirrada ee maanta kaas uu uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre.

“Kulnka waxaa looga hadlay arrimaha iibka qaranka iyo habsami u raaca sharicga ka yaalla iibka qaranka si ay hay’adaha dawliga ah iyo wasaarahuba ay ugu dhaqmaan. sharcigaas waxaa uu qabyo u yahay wasaaradda maaliyadda hasse ahaatee waxaa jirta in lagu amray in wasaaruhu ay dhawraan habsami u raaca qandaraasyada iyo heshiisyada la gelayaan hay’adaha caalamiga ah”, ayuu yiri wasiir Xaamud.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa marka ay soo dhamaystirto sharciga iika qaranka waxa ay usoo gudbinaysaa golaha wasiirrada si ay u meel mariyaan kadibna loo hor-geeeyo Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kulanka golaha wasiirrada ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay qabyo qoraalka hannaanka cadaalada iyo arrimaha amniga iyada oo warbixnno laga dhagaystay wasiirrada difaaca iyo amniga gudaha kuwaas oo ka hadlay isbedeladii ugu danbeeyay ee dhanka amniga iyo qorshaha horumarinta guud ahaan amniga dalka si mawaadiniinta Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan amni la isku halayn karo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]