3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 16, 2018
Dowladda Soomaaliya oo tira-koob ku sameyneysa Ajaanibta ku sugan dalka

 

Khamiis, August, 16, 2018 (HOL)- Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aamisay in tirakoob rasmi ah lagu sameeyo dadka ajaanibta ah ee kusoo qulqulaya gudaha dalka, si loola socdo dhaq-dhaqaaqyada ay ka samaynayaan gudaha dalka iyada oo la waafajinayo hannaanka qaxootiga iyo socdaalka ee u yaalla dunida.

Go’aankaan lagu tira koobayo ajaanibta ayaa kasoo baxay kulanka golaha wasiirrada ee maanta oo uu shir-gudoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Xasan Cali Khayre, kaas oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiinta hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha dawladda Soomaaliya.

Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo ka war bixiyay qodobadii looga hadlay kulanka ayaa sheegay in dood ay golohu ka yeesheen kadib in, tirakiibka ajaanibta ku sugan gudaha Soomaaliya oo dawladda ka saacidayaa in ay hesho xogta dhamaystiran ee qof waliba ajnabi ah, loo saaray guddi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), guddigaas oo xukuummadda kusoo celinaya natiijada kasoo baxda baaritaanka ay samaynayaan si uu dawladda.

Kororka ajaanibta kusoo qulqulaysa dalka ayaa timid kadib markii dowladda Soomaaliya ay qaaday tillaabooyin lagu hagaajinayo amniga kuwaas oo soo jiitay ajaanib badan oo isugu jira shaqo doon, maal-gashadayaal iyo kuwa wata fikrada ganacsi oo ay doonayaan in ay ka hir geliyaan gudaha dalka si ay uga helaan faa’iido dhaqaale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/16/2018 12:14 PM EST
Khamiis, August, 16, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah oo labo cisho qaadaneysa ku tagay Jamhuuriyadda Jabuuti.

8/16/2018 10:51 AM EST
Khamiis, August, 16, 2018 (HOL)- Wareegto ka soo baxday Wasiirka arrimaha gudaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilalkii ka qaaday guddoomiye ku-xigeennadii maaliyada degmooyinka Beledweyne, Maxaas iyo Jalalaqsi.

8/16/2018 9:45 AM EST
Khamiis, August, 16, 2018 (HOL)-Wakiilka gaar ah ee midowga Africa ee Soomaaliya Amb. Francisco Madeira ayaa boggiisa Twitter-ka ku sheegay in ay bilaabeen qorshe ay uga baxayaan Garoonka ugu weyn Soomaaliya ee Kubadda Cagta Mogadishu Stadium.

8/16/2018 7:24 AM EST
Khamiis, August, 16, 2018 (HOL)-Boqolaal bulshada Laascaanood ah ayaa tuulada Canjiid oo 16Km. waqooyi kaga quman, ku soo dhoweeyey Maxamed Xuseen Carab Gudoomiyaha cusub ee gobolka Sool.

8/16/2018 4:27 AM EST
Khamiis, August, 16, 2018 (HOL) –Maxkamada ciidamada qalabka sida ay xukun ku riday askari lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo horey uga tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 27aad ee gobolka Hiiraan.

8/16/2018 4:16 AM EST
Khamiis, August, 16, 2018 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ka degay goor dhaw magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda dalka Jabuuti.

8/16/2018 2:11 AM EST
Khamiis, August, 16, 2018 (HOL)-Madax-weynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay taliyayaal ciidan iyo waliba Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya.

8/16/2018 1:41 AM EST
Khamiis, August, 16, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Maraykanka Doland Trump ayaa madaxii hore ee sirdoonka Maraykanka John Brennan ka xayuubiyey rukhsaddii uu waxyaabaha sirta ah ku daalacan karay. Madaxweyne Trump ayaa sheegay in John Brennan uu kala qeybin iyo fowdo ka dhex abuurayey maamulkiisa.

8/16/2018 1:21 AM EST
Khamiis, August, 16, 2018 (HOL)-Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal ka dilay 11 dagaalyahan oo ay ka mid ahaayeen xubno sar sare oo ka tirsan Ururka Al-shabaab sida laga soo xigtay saraakiisha ciidamada dowladda.

8/16/2018 1:10 AM EST
Khamiis, August, 16, 2018 (HOL)- Wararka ka imanaya Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in magaalada Addis Ababa looga yeeray wasiiradda, ku xigennadoodii, maareerayayaasha wakaaladaha, gudoomiyayaasha 11-ka gobol ee uu deegaanka ka kooban yahay iyo dhammaan dadka uu xilalka u magacaabay maamulkii hore ee aan shaqaalaha caadiga ahayn.

8/16/2018 12:58 AM EST
Khamiis, August, 16, 2018 (HOL)-Madax-weynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa lagu wadaa saakay in ay u dhoofaan dalka Jabuuti.