4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 16, 2018
Maamulka Hirshabeelle oo xilalkii ka qaaday guddoomiye ku-xigeennadii maaliyada degmooyinka gobolka Hiiraan

 

Khamiis, August, 16, 2018 (HOL)- Wareegto ka soo baxday Wasiirka arrimaha gudaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilalkii ka qaaday guddoomiye ku-xigeennadii maaliyada degmooyinka Beledweyne, Maxaas iyo Jalalaqsi.

Wasiirka ayaa xilkii ka qaaday guddoomiye ku-xigeenkii maamulka iyo maaliyada degmada Beledweyne Khadar Xassan Afrax, waxaana xilkan loo magacaabay Maxamed Macquul Cilmi.

Wareegtada ayaa sidoo kale xilkii guddoomiye ku-xigeenka maaliyada looga qaaday Cali Xaaji Xassan Guure, waxaana xilkaa loo magacaabay Cabdi Axmed Cabdulle.

Mas’uuliyiinta xilalka laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyihii degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidoow, waxaana xilka guddomiyaha degmada loo magacaabay Ibraahim Madoobe Nuur, sidoo kalana waxaa guddoomiye ku-xigeennada, Siyaasadda, Amniga, Samafalka iyo hormarinta mashaariicda.

Xil ka qaadistan Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle uu ku saameeyay guddoomiye ku-xigeennadii maaliyada ee degmooyinka Beledweyne iyo Maxaas ayaa u muuqata in ay salka ku heyso arrimaha la xiriira canshuuraha soo gala gobolka oo muddo dheer-ba leysku mari-laa sida loo maamulayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]