4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 16, 2018
Ciidamada AMISOM oo isaga baxaya garoonka Kubadda Cagta ee Mogadishu Stadium

 

Khamiis, August, 16, 2018 (HOL)- Wakiilka gaar ah ee midowga Africa ee Soomaaliya Amb. Francisco Madeira ayaa boggiisa Twitter-ka ku sheegay in ay bilaabeen qorshe ay uga baxayaan Garoonka ugu weyn Soomaaliya ee Kubadda Cagta Mogadishu Stadium.

Wuxuu sheegay in uu siweyn ugu faraxsan yahay wixii hadda ka danbeeya in garoonka dib loogu celiyo gacanta shacabka Soomaaliyeed, iyadoo marar badan oo hore dowladda Soomaaliya ku celcelisay baahida waqtigan loo qabo in garoonku shaqeeyo.

Garoonka ayaa la dhisay 1978 waana garoonka ugu ballaaran guud ahaan marka la eego xarumaha Sport-ga ee dalka, waxaana uu leeyahay qeybo kala duwan sida Garoon Kubadda Cagta, Oradada, Dabaasha iyo waliba Kubadda Miiska.

Garoonka ayaa hadda ah saldhig militari oo ay degan yihiin ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM, inkastoo uu haddda midowga Africa ku dhawaaqay qorshe ciidamada looga saarayo garoonka oo muhiim u ah bahda cayaaraha dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]