4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 16, 2018
Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Sool oo Laascaanood lagu soo dhaweeyay


Khamiis, August, 16, 2018 (HOL)- Boqolaal bulshada Laascaanood ah ayaa tuulada Canjiid oo 16Km. waqooyi kaga quman, ku soo dhoweeyey Maxamed Xuseen Carab Gudoomiyaha cusub ee gobolka Sool.

Masuuliyiin heer gobol iyo degmo, isuduwaayasha iyo dadweyne ayaa u muujiyey taageero gudoomiyaha cusub oo horey xukuumadii Siilaanyo xilal kala duwan ka soo qabtay.

Gudoomiyaha degmada Laascaanood C/casiis Xuseen Xasan oo ugu horay halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu Gudoomiyaha ku soo dhoweeyey xilka waxana uu u sheegay in wadashaqayn buuxda ay diyaar ula tihiin.

Odayaal kala duwan ayaa sidoo kale taageero taa la mid ah u soo jeediyey, iyadoo Gudoomiye ku Xigeenka uu ku soo dhoweeyey Gudoomiyaha oo la odhan karo waa ninkii ugu taageerada badnaa.

Gudoomiyaha Maxamed Xuseen Carab oo dadkii soo dhoweeyey la hadlay ayaa mahadnaq ka dib waxa uu sheegay in gobolku isbedel u naahan yahay isaguna uu maanta diyaar u yahay.

Gudoomiyaha ayaa degaan ka dhigtay xarun mudo dheer ka dhisnayd bariga Laascaanood taas oo u muuqata isbedlkiisa koobaad

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood