Khamiis, August, 16, 2018 (HOL)- Madaxweynaha
dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ka degay
goor dhaw magaalada Jabuuti ee
Jamhuuriyadda dalka Jabuuti.
Madaxweynaha iyo wafdiga uu horkacayo oo saakay
ka anbabaxay magaalada Muqdisho ayaa lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha
Jabuuti.
Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Jabuuti ayaa
salka ku haya xoojinta xiriirka labada dal, iyo arrinta xiisada
diblomaasiyadeed ee ka dhalatay safarkii uu ku tagay Eritrea.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmaya dhiggiisa
Jabuuti, iyagoo ka wada hadlaya arrinta gobolka Geeska Afrika iyo is bedelada u
dambeeyay ee ka dhacay.
Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay dadaal
u gali doonto sidii loo soo afjari lahaa khilaafka dowladdaha Jabuuti iyo
Ertirea, waxaana socdaalka madaxweynah uu imanaya iyadoo dhawaan magaalada
Muqdisho ay soo gaareen wafdi ka socday dalka Eritrea.
Jabuuti ayaa dhowaan walaac ka muujisay hadal
Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Asmara oo ahaa in cunaqabateynta laga qaado
Eritrea.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]