4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 16, 2018
Trump iyo Saraakiishii hore ee Sirdoonka

 

Khamiis, August, 16, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Maraykanka Doland Trump ayaa madaxii hore ee sirdoonka Maraykanka John Brennan ka xayuubiyey rukhsaddii uu waxyaabaha sirta ah ku daalacan karay. Madaxweyne Trump ayaa sheegay in John Brennan uu kala qeybin iyo fowdo ka dhex abuurayey maamulkiisa.

Saraakiil hore ayaa iyagana waxa ku socda in talaabadan oo kale laga qaado, sida James Clapper oo sirdoonka Qaranka madax ka ahaa, agaasimihii hore ee hay’adda FBIda James Comey, Suzan Rice oo madaxwey Obama La-Taliyaha Amniga Qaranka u ahayd. Saraakiil kale ayaa iyaguna ku jira dadka la doonayo in rukhsaddan lagala noqdo.

Afhayeenka Aqalka Cad Sarah Hakabee Sanders warfidiyeenada Aqalka Cadi ay arrintan wax ka weydiiyeen ayaa diidday in John Brennan iyo saraakiisha kale loo beegsaday maxaa yeelay madaxwyenaha ayey dhaleeceeyaan.

VOA