4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 15, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo maalinta berri ah u anbabaxaya dalka Jabuuti


Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalinta berri ah booqanaya Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Warka waxaa warbaahita u xaqiijiyay agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed oo sheegay in madaxweynuhu maalinta berri ah u socdaali doono dalka Jabuuti.

Safarka madaxweynaha waxaa qeyb ka noqon doona Wasiiro, Xildhibanno iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana uu imanaya xili todobaadyadii ugu danbeeyayba uu jiray mad-madow siyaasadeed oo soo kala dhax-galay labada dowladdood Soomaaliya iyo Jabuuti kaddib booqashadii madaxweyne Farmaajo uu ku tagay magaalada Asmara.

Madaxweynaha ayaa kulan la qaadan doona dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle, waxaana filayaa in booqashadan jawaab u noqoto tabashada dowladda Jabuuti.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]