Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)-
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar
Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa soo saaray wareegto uu shaqada kaga joojiyey
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar (Minishiibiyo) oo lagu
soo eedeeyey masuq-maasuq.
Guddoomiyaha oo tix-raacaya
soo jeedinta Agaasimaha Waaxda Maamulka Dhulka Dawladda Hoose ee Xamar ayaa u
gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Qaranka waraaqda shaqo joojinta saraakiishan, isagoona
ka codsaday in baaritaan furan lagu sameeyo eedaymaha loo soo jeediyey
saraakiishan oo ay ka mid tahay in ay lacago sharci darro ah ka qaateen qaar ka
mid ah bulshada Gobolka Banaadir.
Saraakiisha shaqo joojinta
lagu sameeyey ayaa kala ah, Taliyeyaasha Ciidanka Illaalada Deegaanka ee
degmooyinka Hodan, Warta-Nabadda iyo Shibis, iyadoona Maamulka Gobolka ay u sii
igmadeen shaqada ay hayeen saraakiisha shaqada laga joojiyey Kuxigeennadooda.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
ayaa sheegay in ay ka go’an tahay la dagaallanka Musuq maasuqa, waxaana horrey
tallaabooyinka sharciga waafaqsan looga qaaday masuuliyiin iyo shaqaale ka
tirsanaa maamulka Gobolka oo lagu helay masuq-maasuq iyo wax is-daba-marin.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]