4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 15, 2018
Magaalada Muqdisho oo sanadkii Afaraad laga daah furay Bandhigga Buugaagta


Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Magaalada Muqdisho waxaa maanta si rasmi ah xariga looga jaray Bandhigga Buugaagta oo sanad walba la qabto, iyadoo sanadkan uu noqonayo kiisii Afaraad.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed Khadar ayaa xariga ka jiray Bandhigan Buugaagta, iyadoo sidoo kalana ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin uu ka mid yahay Duqa magaalada Muqdisho.

Muddo saddex cisho ayaa lagu wadaa in Bandhigan uu socdo, iyadoo ay ka soo qeybgalleen dadweyne kala duwan oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir iyo gobollada dalka Soomaaliya, Abwaanno, Qoraa-yaal Soomaaliyeed dad intooda sida weyn u akhriya oo dhamaantood xiseynaya Bandhiggan.

Marka soo tago Buugaagta halkaa lagu soo bandhigayo, sidoo kale waxaa jira wax yeebe kale oo ka tarjumaya Dhaqanka iyo Hidaha Ummadda Soomaaliyeed oo u badan murti iyo suugaan barbar socta bandhigga.

Bandhigga noocan ah ayaa wax weyn ka taraya dib u dhiska garaadka da’yarta Soomaaliyeed iyo in laga gudbo jahliga loona talaabo aqoon iyo dib u dhis iyo hormarka dalka oo ka soo kabanaya dagaallo sokeeyo oo muddo dheer daashaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]