3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 15, 2018
Golaha Guurtidda Somaliland oo ka hor timid xeer golaha Wakiiladdu ansixiyeen

 

Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Xildhibaano ka tirsan golaha Guurtidda Somaliland ayaa sheegay in xeerka kufsiga oo dhowaan ay ansixiyeen golaha Wakiiladdu qodobo ka mid ahi ka hor imanayaan shareecada islaamka, islamarkaana ku baaqay in la waafajiyo dastuurka.

Xildhibaanadan golaha Guurtida ayaa ku dooday in golahoodu awood u leeyahay inay ilaaliyaan Diinta, dhaqanka iyo nabadgalyadda, haseyeeshee xeerkan kufsiga lagu saleeyey dhaqankii reer Yurub.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Ilka case oo xeerkan aan la soo marin ka hadlaya waxa uu yidhi “Dastuurkeena waxa uu salkiisu yahay shareecadda islaamka, xeerkan golaha Guurtidda wuu soo maray waajibaadkiisa iyo tallo bixintiisa wuu ka gutay waxaanu ku saleeyey shareecad islaamka, goleyaashu uma shaqeeyaan hay’addo laakiin waxay ku shaqeeyaan rabitaanka shareecaddu islaamku, guurtidu markii uu xeerkan ka doodayey wuxuu iskugu keenay culimadda iyo garsoorayaasha, kuwaas oo waafajisay shareecadda islaamka, sidaas ayaa loogu celiyey golaha wakiiladda, hadii uu wakiiladu wax ku bedel ku sameeyo waxa waajib ah in guurtidda lagu soo celiyo”.

Xildhibaan Dayib Axmed Xasan ayaa isna ku doodaya qodobka awoodda u siiyey in xeerarka la soo mariyo waxa uu yidhi “Qodobka 61 ee dastuurka qaranka wuxu sheegayaa awooda golaha guurtidda oo ah dajinta xeerarka ku saabsan diinta, dhaqanka iyo nabadgalyadda, gaar buu dastuurku noo siiyey, iyo dib u eegista xeerarka uu golaha wakiiladdu soo ansixiyaan. Xeer kasta Waa in uu anaga na soo maro oo anagu u gudbinaa madaxweynaha”

Xildhibaan CabdirixiinSheekh Cumar fure ayaa sheegay in xeerkan qodobo badan oo shareecada ka hor imanayaa ku jiro, waxaanu madaxweynaha ugu baaqay in xeerkaasi dib loo soo celiyo si loo waafajiyo shareecada islaamka.

Xeerkan kufsiga waxaa dabadaka riixayey ururadda haweenka ee xuquuqda dumarka u doodda, kuwaas oo si weyn usoo dhoweeyey meel marinta xeerkan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland













Click here
8/15/2018 4:20 PM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Sheikh Tamim Bin Hamad al-Thani Amiirka dalka Qatar ayaa sheegay in ay bar bar taagan yihiin sida uu hadalka u dhigay walaalahooda Turkiga, isaga oo ku dhawaaqay maalgashi dhan $ 15n oo ay ku sameynayaan Suuqyada iyo Bankiyada dalka Turkiga.

8/15/2018 12:52 PM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalinta berri ah booqanaya Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

8/15/2018 10:59 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay dhaqaaleyahannada Soomaaliyeed ee xubnaha ka ah Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ayaa kala hadlay qorsheyaasha guud ee lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka.

8/15/2018 9:49 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa soo saaray wareegto uu shaqada kaga joojiyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar (Minishiibiyo) oo lagu soo eedeeyey masuq-maasuq.

8/15/2018 9:43 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Mudane Axmed Max’ed Islaam Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay....

8/15/2018 7:34 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Magaalada Muqdisho waxaa maanta si rasmi ah xariga looga jaray Bandhigga Buugaagta oo sanad walba la qabto, iyadoo sanadkan uu noqonayo kiisii Afaraad.

8/15/2018 2:28 AM EST
Abrbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Xarunta xuquuqda aadamaha ee Somaliland ayaa sheegay in sagaal maxbuus oo ku jira xabsiga dhexe ee Hargeysa bishan August,4-teedii bilaabeen inay cuntada ka soomaan.

8/15/2018 2:03 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)-Kooxaha gurmadka ayaa xalay oo dhan ku dadaalayay sidii ay dad nool uga soo saari lahaayeen buundadii shalay ku burburtay magaalada Genoa ee dalka Talyaaniga.

8/15/2018 1:16 AM EST
Arbaco August, 15, 2018 (HOL) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa munaasabad casho sharaf ah ugu sameeyey xarunta Dawladda Hoose wafdiga dalka Eritrea ee uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Cismaan Saalax.

8/15/2018 12:52 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)–Saddex ruux oo Soomaali ah ayaa ku soo baxay doorashada hore ee is reebreebka dalka Mareykanka, waxaana ay Ilhaan Cumar ku soo baxday kursigii uu banneeyay Keith Ellison ee Congress -ka Mareykanka iyada oo ka soo baxday xisbiga Dimuquraadiga.

8/15/2018 12:06 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL) – Ilhaan Omar ayaa ku guulaystay doorashada xisbiga Dumuriqaaadiga ee ka mid noqoshada golaha Aqalka hoose ee Maraykanka, waxayna ku soo baxday codadkii la tiriyey in ka badan 58 % oo ah tiro aad u xoog badan,doorashadaan oo aad u adkayd ayaa ilhaan waxaa la tartamaayey dad hore siyaasada gobolka uga dhex muuqday sida Margarat A. Kellihe afhayeenkii hore ee baarlamaanka Minnesota.