4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 15, 2018
Maxaa ka soo kordhay Buundadii ku duntay Talyaaniga

 

Arbaco, August, 15, 2018 (HOL) - Kooxaha gurmadka ayaa xalay oo dhan ku dadaalayay sidii ay dad nool uga soo saari lahaayeen buundadii shalay ku burburtay magaalada Genoa ee dalka Talyaaniga.

Ugu yaraan 26 qof ayaa la xaqiijiyay in ay halkaasi ku dhinteen, hasayeeshee waxaa la saadaalinayaa in ay sare u kici karto tirada dhimashada. 

Booliska ayaa sheegaya inay ku rajo weyn yihiin inay heli doonnaan dad nool oo ku hoos jira burburka.

Kooxaha gurmadka ayaa isku dayaya inay dad nool kasoo saaraan gawaaridda iyo burburka kale ee ka dhashay buundada duntay.

Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in la maqlayay cabaadka dadka ku hoos xayiran burburka.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegaysa in khubarada dhismaha ay mar hore ku taliyeen in isbedel ballaaran lagu sameeyo buundada Morandi.

Wasiirka gaadiidka ee Talyaaniga, Danilo Toninelli, ayaa sheegay in musiibadda ka dhacday Genoa ay muujinayso sida ay u liitaan dhismayaasha asaasiga ah ee dalkiisa.

Dhibaatadan ayaa indhaha shacabka Talyaaniga kusoo jeedinaysa xukuumadda wadaaga ah ee haysa talada dalkaasi, taasoo ballanqaaday inay kordhin doonto dhaqaalaha ku baxa dhismayaasha asaasiga ah.

Mashaariic badan oo hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Talyaaniga ayaa waxaa hareeyay musuq maasuq iyo ku lug lahaanshaha kooxaha Maafiyada ah.

Xigasho/BBC