11/19/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 15, 2018
Munaasabad soo dhaweyn ah oo loo qabtay wafdiga Eritrea ee ku sugan magaalada Muqdisho


 

Arbaco, August, 15, 2018 (HOL) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa munaasabad casho sharaf ah ugu sameeyey xarunta Dawladda Hoose wafdiga dalka Eritrea ee uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Cismaan Saalax.

Marti sharafkan oo uu goob jog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Guuleed, ayaa qaar ka mid ah kooxo faneedka qaranku waxa ay u soo bandhigeen wafdiga dalka Eritrea suugaan ka tarjumeysa hiddaha iyo dhaqanka soojireenka ah ee shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyey taariikhda magaalada Muqdisho ay u leedahay soo dhaweynta iyo marti gelinta Madaxda caalamiga ah ee booqashada ku yimaada Soomaaliya, isagoona sheegay in munaasabaddan ay ka tarjumeyso dib-u-kabashada dalka iyo sida uu u soo kobcayo amniga Caasimadda.

“Magaalada Muqdisho waxa ay astaan u tahay dawladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaiyeed. Dhammaanteen waxaan xasuusannahay sida ay ugu soo hiran jireen Madaxda Afrika iyo guud ahaan caalamka, maantana waxaa muuqata ifafaallo ku saabsan in maqaamkaasi uu u soo laabanayo caasimadda.”

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Eritrea Mudane Cismaan Saalax ayaa uga mahad celiyey Duqa Caasimadda soo dhaweynta sare ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna sheegay in uu ku faraxsan yahay sida ay Soomaaliya uga soo kabaneyso bur burkii ku dhacay.

Sidoo kale, Wasiirka dalka Eritrea ayaa tilmaamay xiriirka ka dhaxeeya labada shacab iyo sida ay dhaqan wadaagta u yihiin, isagoo u rajeeyey shacabka Soomaaliyeed horumar iyo barwaqo.

Munaasabaddan marti sharafeedka ah waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dibadda, Cadaallada, Qorsheynta, Shaqada iyo Shaqaalaha, Gaadiidka, Gargaarka iyo Musiibooyinka Dabiiciga ah, Wasiiru Dawleyaal, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka, Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida, Guddoomiyeyaasha heer degmo iyo heer Gobol ee Banaadir iyo marti-sharaf kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]







Click here
8/15/2018 4:20 PM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Sheikh Tamim Bin Hamad al-Thani Amiirka dalka Qatar ayaa sheegay in ay bar bar taagan yihiin sida uu hadalka u dhigay walaalahooda Turkiga, isaga oo ku dhawaaqay maalgashi dhan $ 15n oo ay ku sameynayaan Suuqyada iyo Bankiyada dalka Turkiga.

8/15/2018 12:52 PM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalinta berri ah booqanaya Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

8/15/2018 10:59 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay dhaqaaleyahannada Soomaaliyeed ee xubnaha ka ah Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ayaa kala hadlay qorsheyaasha guud ee lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka.

8/15/2018 9:49 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa soo saaray wareegto uu shaqada kaga joojiyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar (Minishiibiyo) oo lagu soo eedeeyey masuq-maasuq.

8/15/2018 9:43 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Mudane Axmed Max’ed Islaam Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay....

8/15/2018 7:34 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Magaalada Muqdisho waxaa maanta si rasmi ah xariga looga jaray Bandhigga Buugaagta oo sanad walba la qabto, iyadoo sanadkan uu noqonayo kiisii Afaraad.

8/15/2018 2:53 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Xildhibaano ka tirsan golaha Guurtidda Somaliland ayaa sheegay in xeerka kufsiga oo dhowaan ay ansixiyeen golaha Wakiiladdu qodobo ka mid ahi ka hor imanayaan shareecada islaamka, isla markaana ku baaqay in la waafajiyo dastuurka.

8/15/2018 2:28 AM EST
Abrbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Xarunta xuquuqda aadamaha ee Somaliland ayaa sheegay in sagaal maxbuus oo ku jira xabsiga dhexe ee Hargeysa bishan August,4-teedii bilaabeen inay cuntada ka soomaan.

8/15/2018 2:03 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)-Kooxaha gurmadka ayaa xalay oo dhan ku dadaalayay sidii ay dad nool uga soo saari lahaayeen buundadii shalay ku burburtay magaalada Genoa ee dalka Talyaaniga.

8/15/2018 12:52 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)–Saddex ruux oo Soomaali ah ayaa ku soo baxay doorashada hore ee is reebreebka dalka Mareykanka, waxaana ay Ilhaan Cumar ku soo baxday kursigii uu banneeyay Keith Ellison ee Congress -ka Mareykanka iyada oo ka soo baxday xisbiga Dimuquraadiga.

8/15/2018 12:06 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL) – Ilhaan Omar ayaa ku guulaystay doorashada xisbiga Dumuriqaaadiga ee ka mid noqoshada golaha Aqalka hoose ee Maraykanka, waxayna ku soo baxday codadkii la tiriyey in ka badan 58 % oo ah tiro aad u xoog badan,doorashadaan oo aad u adkayd ayaa ilhaan waxaa la tartamaayey dad hore siyaasada gobolka uga dhex muuqday sida Margarat A. Kellihe afhayeenkii hore ee baarlamaanka Minnesota.