9/23/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 15, 2018
Maxey Soomaalida uga dhiggan tahay doorashada is reeb-reebka dalka Mareykanka


 

Arbaco, August, 15, 2018 (HOL) – Labo Gabdhood oo Soomaali ah ayaa ku soo baxay doorashada hore ee is reebreebka dalka Mareykanka, waxaana ay Ilhaan Cumar ku soo baxday kursigii uu banneeyay Keith Ellison ee Congress -ka Mareykanka iyada oo ka soo baxday xisbiga Dimuquraadiga.

Is reeb-reebka doorasho ee xisbiyada Dimuquraadiga iyo Jamhuuriga ee gobolka Minnesota ayaa la oran karaa waa mid uga dhigan Soomaalida ku dhaqan dalka Mareykanka guul weyn oo taariikhi ah kaddib markii ay ka soo dhax baxeen saddex ruux oo Soomaali ah oo labo ka mid yihiin Gabdho.

Sidoo kale Gabadha lagu magacaabo Hodan Xasan ayaa ku soo baxday golaha Congress-ka gobolka Minnesota iyo halka Maxamuud Nuur oo ku guuleystay kursigii ay horey u baneysay Ilhaan.

Ilhaan Cumar ayaa heshay codadkii la dhiibtay 59,322 oo u dhiganta 48.1%, sida lagu sheegay natiijada oo markii dambe la soo dhejiyay.

Ilhaan Cumar oo la hadashay VOA ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay guushan, waxayna tilmaamtay inay guushaan gaarto inay ugu suuragashay isku duubni iyo inay sameysay balan qaadyo ah inay wax badan ka qaban doonto caqabadaha heysta Soomaalida.

 

Soomaalida ku dhaqan dalka Mareykanka ayaa aad u soo dhaweeyay guusha ay soo hoyeen Saddexdan qof ee Soomaaliyeed, maadaama mararka qaar dalka Mareykanka ay ka dhacaan falal ku saabsan isir naceybka, taasi ayay aaminsan yihiin inay wax badan ka qaban doonaan.

Ilhaan ayaa sheegtay in haddii ay tagto Washington ka shaqeyn doonto cadaallada in ay ummada loo adeego waxaana ay guul ka rajeysay doorashada danbe waxaana ay la tartami doontaa qofka ka soo baxa dhinaca Jamhuuriga, iyadoo kursigan loo tartamayo uu yahay kursigii uu banneeyay Keith Ellison  

Guud ahaan marka la eego dhalinyaradan Soomaalida ee taariikhda ka sameynaya doorashada dalka Mareykanka waa kuwo markoodii hore dalkaasi tagay iyaga oo qaxooti ah, waxaana ay taa ka marakaceysaa halka uu gaarsiisan yahay hanka qofka Soomaaliga ah iyo in uu gaari karo halkii uu doono.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]







Click here
8/15/2018 4:20 PM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Sheikh Tamim Bin Hamad al-Thani Amiirka dalka Qatar ayaa sheegay in ay bar bar taagan yihiin sida uu hadalka u dhigay walaalahooda Turkiga, isaga oo ku dhawaaqay maalgashi dhan $ 15n oo ay ku sameynayaan Suuqyada iyo Bankiyada dalka Turkiga.

8/15/2018 12:52 PM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalinta berri ah booqanaya Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

8/15/2018 10:59 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay dhaqaaleyahannada Soomaaliyeed ee xubnaha ka ah Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ayaa kala hadlay qorsheyaasha guud ee lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka.

8/15/2018 9:49 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa soo saaray wareegto uu shaqada kaga joojiyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar (Minishiibiyo) oo lagu soo eedeeyey masuq-maasuq.

8/15/2018 9:43 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Mudane Axmed Max’ed Islaam Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay....

8/15/2018 7:34 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Magaalada Muqdisho waxaa maanta si rasmi ah xariga looga jaray Bandhigga Buugaagta oo sanad walba la qabto, iyadoo sanadkan uu noqonayo kiisii Afaraad.

8/15/2018 2:53 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Xildhibaano ka tirsan golaha Guurtidda Somaliland ayaa sheegay in xeerka kufsiga oo dhowaan ay ansixiyeen golaha Wakiiladdu qodobo ka mid ahi ka hor imanayaan shareecada islaamka, isla markaana ku baaqay in la waafajiyo dastuurka.

8/15/2018 2:28 AM EST
Abrbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Xarunta xuquuqda aadamaha ee Somaliland ayaa sheegay in sagaal maxbuus oo ku jira xabsiga dhexe ee Hargeysa bishan August,4-teedii bilaabeen inay cuntada ka soomaan.

8/15/2018 2:03 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)-Kooxaha gurmadka ayaa xalay oo dhan ku dadaalayay sidii ay dad nool uga soo saari lahaayeen buundadii shalay ku burburtay magaalada Genoa ee dalka Talyaaniga.

8/15/2018 1:16 AM EST
Arbaco August, 15, 2018 (HOL) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa munaasabad casho sharaf ah ugu sameeyey xarunta Dawladda Hoose wafdiga dalka Eritrea ee uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Cismaan Saalax.

8/15/2018 12:06 AM EST
Arbaco, August, 15, 2018 (HOL) – Ilhaan Omar ayaa ku guulaystay doorashada xisbiga Dumuriqaaadiga ee ka mid noqoshada golaha Aqalka hoose ee Maraykanka, waxayna ku soo baxday codadkii la tiriyey in ka badan 58 % oo ah tiro aad u xoog badan,doorashadaan oo aad u adkayd ayaa ilhaan waxaa la tartamaayey dad hore siyaasada gobolka uga dhex muuqday sida Margarat A. Kellihe afhayeenkii hore ee baarlamaanka Minnesota.