Soomaalida Minnesota oo Guul ka Gaaray Doorashadii Xalay Dhacday,Ilhaan Omar oo Guul Taariikhi ah gashay
Arbaco,
August, 15, 2018 (HOL) – Ilhaan
Omar ayaa ku guulaystay doorashada xisbiga Dumuriqaaadiga ee ka mid noqoshada
golaha Aqalka hoose ee Maraykanka, waxaayna ku soo baxday codadkii la tiriyey in
ka badan 58 % oo ah tiro aad u xoog badan, doorashadaan oo aad u adkayd ayaa
ilhaan waxaa la tartamaayey dad hore siyaasada gobolka uga dhex muuqday sida
Margarat A. Kellihe afhayeenkii hore ee baarlamaanka Minnesota.
Ilhaan Omar ayaa noqonaysa Soomaaligii ugu horeeyey ee darajada golaha sharci
dajinta ee Maraykanka gala.
Hodan Hasssan iyo mohamud Noor ayaa
iyaguna kusoo baxay musharaxnimada xisbigooda DFL-ka ama Dumuriqaadiga ,Maxamud
Noor ayaa galay booskii ay banaysay Ilhaan Omar , Hodan Hassan oo loo yaqaan Hodan Heelo waxay ka guulaystay
Omar Fatah & Osman Ahmed oo iyaguna la tartamay iyo waliba labo qof oo
Maraykan ah,
Keith Ellison ayaa isagana ku soo
baxay xilkii uu tartamaayey ee xeer ilaaliyaha guud ee Minnesota,
Tim Walz ayaa isagana ku soo baxay Gudoomiyaha Gobolka
Minnesota ama Govenorka u tartamaaya Xisbiga Dumuriqaadiga oo wajihi doona Tim Pawlenty oo isagu xisbiga
Jamhuuriga ah , Tim Walz ayaa waxaa u ololeenaayey siyaasiin Soomaaliyeed sida
Abdi Warsame oo xubin golaha deegaanka Minneapolis ka tirsan iyo Hamsa Warfaa
oo ka mida xubnaha saameenta ku leh siyaasada Soomaalida.
Doorashadaan Xalay dhacday waxay
aheed mid ay iskala reebayeen musharaxiinta xisbiyada ayaa lakiin doorashada guud waxay dhacaysaa
Bisha Nofeenber Talaadada ugu horeeysa.
Minnesota .
Siyad Said Salah
Hiiraan Online
[email protected]