4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 14, 2018
Taliyeyaal ay soo magacowday dowladda oo lagu xanibay garoonka diyaaradaha Kismaayo
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Laamaha ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo u diiday in ay kasoo baxaan laba sarkaal oo ay dowladda Soomaaliya usoo magacowday hogaanka nabadsugidda Jubbaland.

Labadan sarkaal oo lagu magacaabo Cali Mire Ducaale oo loo soo magacaabay taliyaha nabadsugidda iyo Max’ed Ibraahim oo isna loo magacaabay ku xigeen ayaa maanta gelinkii danbe kasoo dagay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana halkaasi kula hadlay saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo ku wargeliyay in aysan u gudbi doonin Kismaayo, dibna loogu celin doono Muqdisho.

Saraakiishan ayaa caawa ku baryaya garoonka diyaaradaha Kismaayo, ayadoo laamaha ammaanka Jubbaland ay sheegeen in maalinta berito ah ay dib ugu laaban doonaan magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin arrintan, mana jiraan masuuliyiin faahfaahin ka bixiyay dhacdadan.

Horraantii bishii July ayay ahayd markii garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo laga celiyay wafdi uu hogaaminayay Jen. Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow oo ay dowladdu usoo magacowday taliyaha qeybta 43-aad ee xoogga dalka, kaasoo lagu badalay taliyihii hore Jen. Ismaaciil Saxardiid.

Dhacdadan ayaa muujineysa khilaafka siyaasadeed ee sii xoogeeysanaya ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Jubbaland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.