4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 14, 2018
Faah faahin ku saabsan weerar ka dhacay dulleedka Balcad

 

Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa maanta weerar ku qaaday fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Basra oo ah marin isku xira labada Shabeelle.

Goobjogayaal ayaa sheegay in ciidamad is baheysanaya maanta dhowr jiho ka weerareen saldhigyo Al-shabaab ay halkaa ku lahaayeen, halka weerarka qaar-na ay sheegayaan in ay jirtay duqeyn cirka iyo diyaarado weerarka ka qeyb-qaatay.

Ilaa iyo hadda dhab ahaan looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, hasse ahaatee saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in weerarkaasi lagu guuleystay lagana gaaray dantii laga lahaa howlgalka.

Kooxda al-Shabab ayaa bilahii ugu dambeyay weeraro ka soo abaabulayay deegaanka Basra iyagoo waddada isku xirta Balcad iyo magaalada Jowhar ka dhigay maritaankeeda mid aad u halis badan marka ay timaaddo masuuliyiinta maamulka Hir-Shabeelle iyo ciidamada dowladda federaalka.

Dhawaan waxaa booqday gobolka Shabeellaha dhexe taliyaha ugu sareya ciidamada AMISOM isaga oo ku booriyay ciidamada in ay la howlgalaan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed wada jirna looga qeyb-qaato dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]