4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 14, 2018
Dad ku dhaawacmay shil ka dhacay ilinka hore ee xarunta baarlamaanka Britain

 

Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Saraakiisha Booliiska London ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay qof waday gaari la sheegay in lagu weeraray goob laga ilaaliyo amaanka ilinka hore ee xarunta baarlamaanka dalka Britain abaare saacadu markey aheyd 7.37am (06:37 GMT),

Gaar ahaan shilkan ayaa ka dhacay goob laga sugo amaanka xarunta golaha Baarlamaanka Britain waxaana ku dhaawacmay tiro dad ah oo xiligaa goobta lugeynayay.

Waxaa la xiray waddooyinka ku hareereysay goobta ay wax ka dhaceen iyadoo halkaa ay gaareen ciidamo booliis ah iyo gadiidka gurmadka deg deg ah.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in ay hadda daweynayaa labo ruux oo ka mid ah dadkii goobta ku dhaawacmay, laakiin dhaawacooda laguma sheegin halis.

Goob jooge ayaa u sheegay telleefinka laga leeyahay dalka Britain in uu arkay gaari xowli sare ku socda ka hor inta uusan shilka dhicin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]