Wasiir Cawad : Madaxda dalka wey ku howlan yihiin sidii loo dhameyn lahaa khilaafka Eritrea iyo Jabuuti
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Wasiirka
wasaarradda arrimaha dibedda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku howlan
tahay sida uu hadalka u dhigay in ay dhax-dhaxaadiso dowladdaha Eritrea iyo
Jabuuti.
Shalay waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray
wasiirka arrimaha dibedda Eritrea Cismaan Saalax iyo wafdi uu horkacayo oo
kulamo kala duwan la yeeshay madaxda ugu sareysa dalka, gaar ahaa madaxweyne
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Mar uu wasiirka arrimaha dibedda Soomaliya ka
hadlayay booqashada wafdiga Eritrea ayuu sheegay in ay jawaab u tahay safarkii
uu dhawaan madaxweyne Farmaajo ku tagay magaalada Asmara iyo xoojinta xiriirka
labada dowladdood.
Dhinaca kale, wasiirka oo la hadlay warbaahinta
gudaha kana jawaabayay su’aal aheyn walaaca Jabuuti ay ka qabto xiriirka
Soomaaliya ee Eritrea ayuu sheegay madaxda dowladdu ku howlan yihiin sidii loo
wada hadashiin lahaa labada dowladood Jabuuti iyo Eritrea.
‘’Markii uu tagay Asmara madaxweyna-heennu wax
waay-bihii uu kala hadlay Eritrea waxaa ka mid ahaa waxa ay tabanayaan
walaalaheenna Jabuuti, waxaana socda daallo ay ku howlan yihiin madaxda ugu
sareysa dalka oo ah sidii loo dhameyn lahaa khilaaf labada dhinac’’ ayuu yiri
Wasiirka.
Dowladda Jabuuti ayaa walaac xoog leh ka muujisay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ka sheegay
Asmara ee ahaa in laga qaado Eritrea cunaqabateynta saaran, iyadoo Jabuuti iyo
Eritrea ay dhex taalo xiisad ka dhalatay muran dhinaca xudduuda ah.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]