3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 14, 2018
Qaramada Midoobey oo ku baaqday in laga taxadiro xadgudubyo dhaca inta lagu guda-jiro doorashada 2020ka

 

Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Hawlgalka Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya UNSOM iyo Xafiiska wakiilka sare ee xuquuqda aadanaha ayaa shalay oo Isniin aheyd ku baaqay in la qaado tallaabooyin looga hortagayo in ay xad gudubyo ka dhacaan doorashada soo socota, kuwaasi oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Warbixin cusub oo ay soo saartay QM ayaa waxa ay ku talisay in laga faa’ideysto horumarka muhiimka ah ee geeddi-socodka nabadda, islamarkaana aanay markale dhicin xad gudubyadii dhacay doorashadii 2016-2017-kii.

Qaramada Midoobay ayaa waxay kaloo warbixinteeda ku sheegtay in la dilay 44 ruux oo isugu jira kaabe Qabiillo iyo ergadii doorasho ee waqtigaas, kuwaasi oo ay ku jiraan Saddex Dumar ah.

Wakiilka gaarka ah QM ee Soomaaliya Michael Keating ayaa ka codsaday mas’uuliyiinta Soomaaliya in ay dhistaan ​​nidaam wakiil oo ay ku jiraan dhammaan muwaadiniinta, iyada oo ku saleysan mabda’a hal qof oo hal cod ah, oo wajahaya doorashooyinka la qorsheeyay 2020-2021.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/14/2018 3:12 PM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Laamaha ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo u diiday in ay kazoo baxaan laba sarkaal oo ay dowladda Soomaaliya usoo magacowday hogaanka nabadsugidda Jubbaland.

8/14/2018 2:46 PM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa maanta weerar ku qaaday fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Basra oo ah marin isku xira labada Shabeelle.

8/14/2018 11:07 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Baarlamaanka Puntland oo Talaadada maanta ah fadhi ku yeeshay xaruntiisa magaalada Garoowe ayaa go'aan ka gaaray nooca doorashada ee Puntland ka dhici doonta marka la gaaro sannadka 2019.

8/14/2018 9:09 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Cabdi Wali Xuseen 'Gorod', ayaa ku amray ciidamada qalabka sida in ay u hogasamaan sharciyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha inta ay socdaan howlgalada militari

8/14/2018 7:04 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaliya lagu waramayaa in ay gacanta ku dhigaan rag hubeysan oo weerar ku soo qaaday fariisin ciidamada dowladda ay ku lahaayeen deegaanka Calamada ee gobolka Shabeellaha Hoose sida lagu daabacay warbaahinta dowladda.

8/14/2018 5:31 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Saraakiisha Booliiska London ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay qof waday gaari la sheegay in lagu weeraray goob laga ilaaliyo amaanka ilinka hore ee xarunta baarlamaanka dalka Britain abaare saacadu markey aheyd 7.37am (06:37 GMT),

8/14/2018 2:53 AM EST
Talaado, August,14, 2018 (HOL)–Wasiirka wasaarradda arrimaha dibedda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku howlan tahay sida uu hadalka u dhigay in ay dhax-dhaxaadiso dowladdaha Eritrea iyo Jabuuti.

8/14/2018 1:32 AM EST
Talaado, August,14, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo mar kale ka hadlay xaalada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xalinta xiisadaa loo maro wada-tashi nabadeed.

8/14/2018 12:54 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Tan iyo markii la magaacabay ra’iisal wasaaare Abiy Ahmed oo ah hogaamiye da’yar oo ka soo jeeda Qowmiyada Oromada guud ahaanba dalka Itoobiya iyo Geeska Africa waxaa ka curtay is badallo waaweyn oo siyaasadeed oo si lama filaan ah u dhacayay.

8/14/2018 12:10 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)-Talaabooyinka lagu doonayay in lagu qaboojiyo qalalaasaha dhaqaalaha ee Turkiga ayaa lagu soo waramayaa in uu guul daraystay iyada oo suuqyada ay aad u sabaynayaan.