3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 14, 2018
Abiy Ahmed : Waxaan rabnaa in xaalada dowlad deegaanka Soomaaliya lagu dhameeyo hab nabadeed

 

Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo mar kale ka hadlay xaalada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xalinta xiisadaa loo maro wada-tashi nabadeed.

Waa markii labaad ee ra’iisal wasaaruhu uu ka hadlo xaalada deegaanka todobaad gudihii, wuxuu-na sheegay in uu aad uga xumaaday rabshada iyo bur burka hantiyeed ee ka dhacay gaar ahaan labada magaalo ee Jigjiga iyo Dirir Dhawa.

Sida laga soo xigtay madaxa shaqaalaha Fitsum Arega, "Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in xaaladda la xakameyn doono lagu-na xallin doono wadatashi nabadeed, isaga oo ku booriyay dad-weynaha in ay dib ugu noqdaan nolal maalmeedkoodi caadiga ahaa.

"Wuxuu tacsi u diryaa ra’iisal wasaaraha dadkii wax ku noqday rabshadaha naxdinta lahaa ee Dirir Dhawa iyo Jigjiga,wuxuu faray in deg deg loo soo afjaro dhibaatooyinka iyo rabshadaha jira "madaxa-shaqaalaha ra’iisal wasaare Abiy

Fara-galintii ciidamada federaalka Itoobiya ee Jigjiga ayaa sababtay in ay lunto nolashii caadiga aheyd ee magaalada dad kuna dhax maquurtaan mowjado rabshado ah oo ka dhashay saameynta siyaasadeed iyo is badalka guud ahaan dalka ka curtay.

Waxaa xilka isaga tagay madaxweynihii laga soo bilaabo 2005 maamulayay deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo hadda laga hayo magaalada Addis Ababa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/14/2018 3:12 PM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Laamaha ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo u diiday in ay kazoo baxaan laba sarkaal oo ay dowladda Soomaaliya usoo magacowday hogaanka nabadsugidda Jubbaland.

8/14/2018 2:46 PM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa maanta weerar ku qaaday fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Basra oo ah marin isku xira labada Shabeelle.

8/14/2018 11:07 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Baarlamaanka Puntland oo Talaadada maanta ah fadhi ku yeeshay xaruntiisa magaalada Garoowe ayaa go'aan ka gaaray nooca doorashada ee Puntland ka dhici doonta marka la gaaro sannadka 2019.

8/14/2018 9:09 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Cabdi Wali Xuseen 'Gorod', ayaa ku amray ciidamada qalabka sida in ay u hogasamaan sharciyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha inta ay socdaan howlgalada militari

8/14/2018 7:04 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaliya lagu waramayaa in ay gacanta ku dhigaan rag hubeysan oo weerar ku soo qaaday fariisin ciidamada dowladda ay ku lahaayeen deegaanka Calamada ee gobolka Shabeellaha Hoose sida lagu daabacay warbaahinta dowladda.

8/14/2018 5:31 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Saraakiisha Booliiska London ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay qof waday gaari la sheegay in lagu weeraray goob laga ilaaliyo amaanka ilinka hore ee xarunta baarlamaanka dalka Britain abaare saacadu markey aheyd 7.37am (06:37 GMT),

8/14/2018 2:53 AM EST
Talaado, August,14, 2018 (HOL)–Wasiirka wasaarradda arrimaha dibedda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku howlan tahay sida uu hadalka u dhigay in ay dhax-dhaxaadiso dowladdaha Eritrea iyo Jabuuti.

8/14/2018 2:27 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)– Hawlgalka Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya UNSOM iyo Xafiiska wakiilka sare ee xuquuqda aadanaha ayaa shalay oo Isniin aheyd ku baaqay in la qaado tallaabooyin looga hortagayo inay xad gudubyo ka dhacaan doorashada soo socota, kuwaasi oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

8/14/2018 12:54 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)–Tan iyo markii la magaacabay ra’iisal wasaaare Abiy Ahmed oo ah hogaamiye da’yar oo ka soo jeeda Qowmiyada Oromada guud ahaanba dalka Itoobiya iyo Geeska Africa waxaa ka curtay is badallo waaweyn oo siyaasadeed oo si lama filaan ah u dhacayay.

8/14/2018 12:10 AM EST
Talaado, August, 14, 2018 (HOL)-Talaabooyinka lagu doonayay in lagu qaboojiyo qalalaasaha dhaqaalaha ee Turkiga ayaa lagu soo waramayaa in uu guul daraystay iyada oo suuqyada ay aad u sabaynayaan.