Isniin, August, 13,
2018 (HOL) – Wafdi heer sare ah oo ka socda Ururka hubeysan ee ONLF ay xalay ka
degan magaalada Addis Ababa ee dalka.
Wafdiga oo uu hoggaaminayey afhayeenka Jabhadda
ONLF Caddaani Cabdulqaadir waxaa ay ka kooban yihiin 3 xubnood oo sare.
Wafdiga waxaa gigada diyaaradaha caaliga ee Bole
ku soo dhaweeyey wasiiru dowlaha xafiiska arrimaha isgaarsiinta dawladda
Itoobiya kaasaahun Gofe.
Caddaani oo ka warramaya sababta keentay iney
dalka yimaaddaan ay tahay mid ay kaga jawaabayaan baaqa uu u soo jeediyey
ra'isal wasaare Dr Abiy Axmed.
Sida oo kalana wakhti xaadirkan xaaladda
deegaanka soomaalida uu ku sugan yahay sidi wax looga qaban lahana iney si
degdeg ah lku yimaaddeen.
Wuxuuna intaa ku daray laga billaabo maanta in ay
jabhaddu xabbad joojin iskeed ay ugu dhawaaqday maadaamaa ay dooneyso iney
gobolka xabbad dambe ka dhicin oo deegaanka soomaalidana xal waara looga gaara.
Dawladda Itoobiyana tallaabbooyin dhowr ah
maadamaa ay u qaadday wax ka qabashada dhibaatooyinka xuquuqda aadanaha
Jabhadda ONLF oo dadaalladaasi socda tixgelineysa waxaa ay go'aansatay iney dalka
timaaddoo oo ay halgankeeda si nabad galya ah u waddo.
Wasiiru dowlaha xafiiska arrimaha isgaarsiinta
dawladda Itoobiya Kaasaahun Gofe wuxuu isna sheegay iney xisbiya badan oo
mucaarad ah ahaa ay dalka yimaaddeen.
Dawladduna waxay dadaal adag ugu jirtaa wax kasta
oo ay jabhadaha iyo ururrada siyaasadeed ee mucaaradkaba ahba waxa ay ka biya
diidsan yihiin ay si kama dambeys ah wax uga qaban lahayd taageera walbana ay
dhanka dawladda diyaar la tahay.
Golaha wakiillada shacabka oo horay Jabhadda ONLF
u aqoonsaday inuu ka mid yahay ururrada argagixisada wuxuu ka tiray liiska
aragagixisada wuxuu baarlamaanka uu Jabhadda ONLF uu u aqoonsaday iney tahay
jabhad xaq u dirir ah oo halgan ku jirto.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]