Axad,
August, 12, 2018 (HOL) – Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa
sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin horumarka iyo
hor-u-socodka dalka, dawladdiisuna ay diyaar u tahay in ay si dhaw ula
shaqayso, fursad-na ay u siiso dhallinyarada in ay qayb weyn ka qaataan dib u
dhiska dalka.
“Dhallinyarada
Soomaaliyeed waxa ay udub dhexaad u yihiin horumarka iyo dib u curashada
dawladnimadeenna, waxaan ugu baaqayaa in ay muruqooda iyo maskaxdooda si
mutaddawacnimo ah ugu adeegaan dalka.”
Madaxweyne
Farmaajo ayaa kulan xog isweydaarsi ah kula yeeshay Madaxtooyada xubno ka
tirsan ururrada Dhallinyarada ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynuhu
waxa uu dhallinyarada uga warbixiyey xaaladda dalka, gaar ahaan siyaasadda,
amniga, dhisidda iyo xoojinta hay’adaha dawladda, kobcinta dhaqaalaha iyo
qorsheyaasha lagula dagaallamayo musuqmaasuqa.
Madaxweynaha
ayaa xusay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin weyn ku leeyihiin sugidda
amniga qaranka, maadama ay yihiin tirada ugu badan shacabka Soomaaliyeed,
kartida iyo howlkarnimana ay u leeyihiin difaaca dalkooda iyo dadkooda.
“Dhallinyaro,
waxa la idinka rabaa in aad dawladda gacan ku siisaan dadaallada lagaga
hortagayo argagaxisada iyo kooxaha nabad-diidka ah ee sida joogtada ah u
gumaada haldoorka dhallinyarada iyo shacabka Soomaaliyeed”
Madaxweynaha
ayaa sheegay in uu joogteyn doono kulamada dhallinyarada si ay u kala helaan
xog rasmi ah, una kala qaataan talooka wax ku oolka ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]