4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 12, 2018
Sedex qof oo ku dhimatay goob dhagaxa laga soo saaro oo ku taal Kismaayo
Axad, August, 12, 2018 (HOL)-Goobtan oo loo yaqaan Dhagax-jabinta, dhanka waqooyina kaga beegan Kismaayo ayaa waxaa maanta ku dhintay ilaa sedex kamid ah shaqaale halkaasi dhagax ka soo saarayay kadib markii ay kusoo duntay buur dhagax ah.

Buurahan laga qodo dhagaxa loo isticmaalo dhisamayaasha magaalada Kismaayo ayaa marka aad booqato waxaad arkeeysaa buuro waaweyn oo ay hoos ka qodeen shaqaale dhagax kala soo baxaya, kuwaasoo aad dareemeeyso qatar in ay ku shaqeeyaan.

Masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland ayaa gaaray goobta, waxaana soconaya dadaallo lagu soo saarayo dadka ay buurtu kusoo duntay.

Qaar kamid ah shaqaalaha oo ay warbaahintu weeydiisay waxa ku kalifaya in qatartan ay ku shaqeeyaan ayay sheegeen in ay ka biishaan qoysaskooda, islamarkaana aysan heysan shaqo tan u dhaanta, ayagoo xusay in la heli karo qalab casri ah oo dhagaxa lagu soo saaro balse aysan awoodin.

Horaantii bishii Jannaayo ee sanaddii 2014 ayay ahayd markii buur laga qodo carro Kaawada oo aah ka fogeyn halka uu shilku ka dhacay ay kusoo duntay shaqaale ka shaqeynayay, halkaa oo ay ku dhinteen ilaa 7 qof.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.