Axad, August, 12,
2018 (HOL)– Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku hanjabay in uu
dhagaha ka fureysanayo handadaadda uga imaanaysa Mareykanka ee ku saasban
xariga baadari Ameericaan ah oo Turkigu u haysto eedo la xiriira
argagixisanimo.
Erdogan ayaa Mareykanka uga digay in Turkigu uu
diyaar u yahay in uusan ku ganacsan wax doolar ah.
Arrintan ayaa timid kaddib markii madaxweyne
Trump uu laba jibaaray canshuurta la saarayo birta iyo naxaasta Turkiga uu u
dhoofiyo Mareykanka.
Mareykanka ayaa dalbanayay in la sii daayo baadarigaasi
Turkiga u xiran, balse Erdogan ayaa Washigton uga digay in xiriirkoodu uusan u
xumaan sababo la xiriira xarigga baadarigaasi.
Madaxweyne Erdogan oo la hadlayay boqolaal qof oo
isugu soo baxay magaalada Unye ee Waqooyi bari Turkiga ayuu u sheegay in ay
khalad tahay in baadari dartii Turkiga jilbaha dhulka loo dhigo.
Waxa uuna intaasi ku daray in dalkiisa uu diyaar
u yahay in baayacmushtarigiisu uu ku saleeyo lacag aan doolar ahayn uuna la
baayacmushtaro dalal ay ku jiraan Shiinaha, Ruushka,Iiraan iyo Ukraine.
Erdogan ayaa ugu baaqay shacabkiisa in ay
dalkooda taageeraan oo lacagaha qalaad ee ay haystaan ay ku bedeshaan liiraha
dalkooda.
Dad badan oo Turki ah ayay durba saameysay hoos u
dhaca ku yimid qiimaha lacagta dalkaasi ee liiraha, waxaana dad deggan
magaalada Istanbul ay BBC-da u sheegeen in xaalad xun ay ku jirta lacagta
dalkaasi Turkiga.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]