3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 12, 2018
Gen. Jim Owoyesigire ‘’ Waa in ay wada jir u howlgalaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya

 

Axad, August, 12, 2018 (HOL)–Taliyaha guud ee ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM Gen. Jim Owoyesigire oo khudbad u jeedinayay ciidamada howlgalka midowga Africa ee ku sugan Jowhar ayaa sheegay in ay looga baahan yahay ciidamada midowga Africa in ay ka bar bar dagaalamaan ciidamada kale ee dowladda Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sheegay in ay inta badan dhacdo labada ciidan in mid gaar uu ula dagaalamo Al-shabaab taasoo hoose u dhigeysa ayuu yiri awooda ciidamada ee dagaalka ka dhanka Ururka hubeysan ee Al-shabaab.

Waxaa kaloo uu sheegay in ay jirto daaarasad la doonayo in lagu sameeyo xaqiijinta amniga xarumaha ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin qeybaha kala duwan ee dalka, isaga oo intaa ku daray in wixii hadda ka danbeeya loo baahan yahay in loo jiheysto dagaal ka dhan ah wax uu ugu yeeray kooxaha Argagixisada.

‘’Waxaan ku baaqeynaa howlgal deg deg ah iyo dagaal lala galo kooxaha argagixisada, labada ciidan waa in ay arintan wada jir uga qeyb-galaan’’ ayuu yiri Gen. Jim Owoyesigire.

Al-shabaab ayaa wali ku xoogan deegaanno ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya iyaga oo weerarro joogta ku qaadan xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/12/2018 1:46 PM EST
Axad, August, 12, 2018 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Axmed Shide oo ah wasiirka Isgarsiinta Itoobiya loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha xisbiga Dumoqaraadiga Soomaalida Itoobiya.

8/12/2018 12:09 PM EST
Axad, August, 12, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin horumarka iyo hor-u-socodka dalka, dawladdiisuna ay diyaar u tahay in ay si dhaw ula shaqayso, fursadna ay u siiso dhallinyarada in ay qayb weyn ka qaataan dib u dhiska dalka.

8/12/2018 11:56 AM EST
Axad, August, 12, 2018 (HOL)–Munaasabad lagu Xusayey Maalinta Dhalinyarada Aduunka 12- Agoosto 2018 ayaa lagu qabtey Xarunta Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed , waxaana ka qayb galey Wasiiro, Masuuliyiinta Jaamacadda Ummada, Macalimiinta Jaamacada, Dhalinyaro isugu jirey Wiilal iyo Gabdho iyo Marti Sharaf kale.

8/12/2018 8:10 AM EST
Axad, August, 12, 2018 (HOL)–Wararka Hiiraan Online ka soo gaaraya degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in ciidamada dowladda toogasho ku dileen qof hubeysan oo dilay sida ay goobjoogayaal sheegeen askari ka tirsanaa ciidamada dowladda.

8/12/2018 7:30 AM EST
Axad, August, 12, 2018 (HOL)-Goobtan oo loo yaqaan Dhagax-jabinta, dhanka waqooyina kaga began Kismaayo ayaa waxaa manta ku hdintay ilaa sedex kamid ah shaqaale halkaasi dhagax ka soo saarayay kadib markii ay kusoo duntay buur dhagax ah.

8/12/2018 6:55 AM EST
Axad, August, 12, 2018 (HOL) - Jabhadda ONLF ayaa magaalada Nairobi maanta kaga dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah, ka dib muddo tobanaan sano ah oo ay dagaal kaga soo hor jeedday dawladda Itoobiya.

8/12/2018 1:33 AM EST
Axad, August, 12, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wacad ku maray in uu dhagaha ka fureysanayo handadaadda uga imaanaysa Mareykanka ee ku saasban xariga baadari ameerikaan ah oo Turkigu u haysto eedo la xiriira argagixisanimo.

8/12/2018 1:04 AM EST
Axad, August, 12, 2018 (HOL) – Waxaa xasiloon magaalooyinkii ay qalalaasuhu ka dhaceen horaantii bishan, wararku waxaa ay intaa ku darayaan ay duulimaad-yadii diyaaradaha ee u kala socdaali jiray Jigjiga iyo Addis Ababa iyaguna horrantii todobaadkan dib u bilaabmeen.

8/12/2018 12:56 AM EST
Axad, August, 12, 2018 (HOL)-Dekedda magaalada Muqdisho ayaa la daah-furay xalay markii ugu horeysay tan iyo bur burkii dowladda dhexe in ay xili habeen ah shaqeyso.