4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 11, 2018
Dagaal beeleed dhimasho sababay oo ka dhacay dulleedka magaalada Kismaayo

 

Sabti, August, 11, 2018 (HOL) - Warar ka imanaya Jubbaada hoose ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya labo beelood uu ka dhacay deegaan Galbeed ka xiga magalada Kismaayo sida ay sheegeen wax-garadka deegaanka.

Tiro ka badan Afar ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhiteen in kastoo wararka qaar tirada dhimashada gaaar-siinayaan ku dhawaad 10 ruux, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen sida uu sheegay Ugaas Xassan Sheekh Ibraahim oo ka mid ah wax-garadka Jubbooyinka.

Dagaal ayaa salka ku haya dhul daaq-simeed la doonayo in loo badalo deegaan, taasoo mid ka mid ah labada beellood ee dagaalamaya ka soo horjeesteen.

Horay waxaa jirtay in labada beellood heshiis ku kala saxiixdeen, hasse ahaatee dagaaalkan danbe ee maanta dhacay ayuu sheegay Ugaas Xassan in ay soo qaadeen beesha kale oo sida uu hadalka u dhigay iyagu ka baxay heshiiska.

Goobta lagu dagaalamayo oo ah dhul baadiye ah ayaa lagu waramayaa in markii danbe ay gaareen ciidamada maamul gobolleedka Jubbaland oo kala dhax-galay labada beellood.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]