Sabti, August, 11, 2018 (HOL) -Dowladda
Soomaliya ayaa si rasmi ah u howlgalisay golaha dhaqaalaha Qaranka oo bishii
July ee ina dhaaftay lagu magacaabay wareegto ka soo baxday madaxweynaha
dowladda Soomaaliya.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda
Soomaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in hay’addaha dhaqaalaha dalka yihiin
kuwo liito, hasse ahaatee wixii hadda ka danbeeyay lagu maareyn doono
dhaqaalaha dalka sida la mid ah sida wadamada ee caalam-ku ku dhaqmaan.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa
hadalka ka sheegay kulan lagu daah –furayay golaha Dhaqaalaha Qaranka, waxaana
ka qeybgalay kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho xubno ka tirsan gollaha.
Kheyre ayaa sheegay in dowladda
wixii hadda ka danbeya ku shaqeyn doonto tallooyinka dhinaca dhaqaalaha oo ay
soo bandhigaan guddigan, taasoo kaalin ka qaadan doonta ayuu yiri horumaritan
dhaqaalaha.
Hadafka laga leeyahay dhismaha
guddigan ayuu ku sheegay in uu yahay sidii tallada guud ahaanba dalka dib loogu
soo celin lahaa gacanta shacabka Soomaaliyeed, muwaadinkana uu heli lahaa
xaquuqdiisa aas-aasiga ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]