Sabti, August, 11, 2018 (HOL) -
Lix ruux oo asalkoodu yahay Itoobiyaan ayaa lagu waramayaa siyaabo kala duwan
loogu dilay dalka Jabuuti weerar u muuqday aargoosi, sida ay warbaahinta u
sheegeen dad goob joogayaal ah.
Goobjoogayaasha ayaa sheegay
in dilalkan u dhaceen siyaabo gooni gooni ah, gaar ahaan waxaa ay intooda badan
dhaceen xili habeen ah.
Weerarrada aargoosiga ah ayaa
waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Boqolaal ruux, waxaa la bililiqeystay dukaamo ay
lahaayeen dad Itoobiyaan ah magaalada Jabuuti, ciidamo wax fara-galin kuma
sameyn sida laga soo xigtay dadka Itoobiyaanka ah, wallow dowladda Jabuuti ay
arintaa cambaareysay.
Rabshadan ayaa salka ku haya
falalkii lagu laayay dad Jabuuti-yaan ah magaalada Diri-Dhawa 6dii bishan oo lagu dilay afar muwaadiin reer Jabuuti ah.
Waxaa jira Itoobiyaan badan oo
isaga cararay xeryihiin ay ku noolaayeen, gaar ahaan agagaaraha Balbala, kuwaa
oo hadda gabaad ka dhiganaya xeryo ku yaala halka lagu magacaabo Arhiba, gaar ahaan kumannaan
dadka Oromada ah ayaa halkaa magan-galyo u galay.
Dowladda Jabuuti ayaa
diyaarado uga soo daad-gureysay ku dhawaad 1, 700 oo muwaadiniinteeda ah kuwaa
u joogay magaalada Dirir-Dhawa fasaxa xiliga Xaggaaga.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]