4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 11, 2018
Imaaraadka oo dhisaya dhuun shidaalka qaada oo isku xiri doonta doona Itooiya iyo Eritrea

 

Sabti, August, 11, 2018 (HOL) – Dowladda Imaaraadka Carabta sheegtay dhisi doonta dhuumo shidaalka qaada oo isku xiri doona dalka magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya iyo magaalada Asab ee dalka Ertirea.

Wakiilada Wararka Fana ayaa lagu sheegay in xogtan lagu soo bandhigay kulan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ra’iisal wasaare Abiy Ahmed iyo Reem Al Hashimy oo ah wasiiru-dowlaha Iskaashiga caalamiga ah ee dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta.

Lamaga bixin kulanka faah faahin intaa dhaafsiisan, laakiin madaxa shaqaalaha ra’iisal wasaare Abiy Ahmed oo lagu magacaabo Fitsum Arega ayaa sheegay in sidoo kale maal-gashigan uu quseyn doono dhinacyada "warshadaha, beeraha, hantida maguurtada, (iyo) dhuumaha saliida."

Tallaabadan Imaaaraadka ayaa noqoneysa mid ka mid ah caalamadaha ugu waaweyn ee saameynta dowladda Imaaaraadku ku yeelaneyso Geeska Africa.

Dowladda Imaaraadka ayaa la sheegay in kaalin-weyn oo muuqata ku laheyd wada hadaladdii lagu soo afjaray colaadii 20ka sano u dhaxeysay labada dowladood ee Itoobiya iyo Ertirea, Imaaraadku saldhig weyn militeri ayuu ku leeyahay magaalada Asab ee dalka Eritrea.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]