4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 10, 2018
IGAD iyo UNSOM oo natiijo aan ka gaarin wada-hadallada Puntland iyo Soomaaliland

 

Jimco, August, 10, 2018 (HOL)– Wada-hadallo lugu raadinnayay in lugu xalliyo xiisada ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ee u dhaxeysa Puntland iyo Soomaaliland ayaan illaa hadda wax natiijo ah laga gaarin, sida u xaqiijiyay madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camay).

Xafiiska urur-gobolleedka IGAD ee Soomaaliya iyo midka Qaramada Midoobay ee UNSOM ayaa isku-dayay in wada-hadal xiisada lugu xalliyo, balse wareysi uu bixiyay madaxweyne ku-xigeenka Puntland wuxuu sheegay inaysan jirin xal wada-hadal oo arrinta laga gaaray.

" Dabeecadayada Puntland ma aha marnaba inan nabad diidno.. laakin nabadgalyo qoor-qabasho ah dadkan asal uma laha dhaqana uma laha wax horey u dhaceyna ma aha, nabad dhab oo qof waliba dalkiisa iyo dadkiisa uu leeyahay ayaan annagu u qaadan karnaa." ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo inta ku daray " IGAD iyo UNSOM waa shaqadooda inay yimaadan hadlan baxaan diyaarad qaatan soo noqdaan, waa shirkii labaad .. idin ma oranayo waa fashil, laakin waxaan ku hubaa waxbadan oo la soo kordhiyay inaysan jirin."

Wuxuu ku soo aadaya hadalka madaxweyne ku-xigeenka Puntland xilli muddo ay isku horfadhiyaan deegaanka Tukaraq ciidamo ka tirsan Soomaaliland iyo Puntland, waxaana saacad walba taagan wal wal laga qabo inuu halkaas dagaal ka dhaco.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online