Jimco, August, 10, 2018 (HOL)– Dowladda Sacuudiga ayaa Soomaaliya
dib ugu soo celisay xoolo dhawaan la dhoofiyey oo lagu qiyaasay toddoba iyo
labaatan kun oo neef, waxaana lugu wadaa Markabkii xoolaha qaaday oo la soo
celiyey in uu illaa maalinta Axadda ku soo xirto dekedda Bossaaso.
Sacuudiga waxaa la sheegay xoolaha
inuu usoo celiyay markii laga helay xanuunka Rift Valley fever, balse waxaa
diiddey cudurka inay qabaan xoolaha Soomaaliya wasiirka xanaanada xoolaha
Puntland, Cabdullaahi Sheekh Axmed oo u sheegay warbaahinta in ay baadhi
doonaan xanuunka loogu sheegay in ay xoolahaasi qabaan.
"Ma ka hareyno illaa la
caddeeyo cudurka .. ma aaminsani Rift Valley fever inuu ka jiro Soomaaliya -
balse waxaa laga yaaba arrimo kale inay jiraan oo aan doonayo inan hadda ka
hadlin." ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh ,wasiirka xanaanada xoolaha Puntland
oo BBC-da la hadlay.
Sacuudiga ayaa dhawaan xayiraaddii
ka qaadday xoolaha Soomaalida, waxaana dalkaa loo dhoofiyey xoolo aad u faro
badan gaar ahaan intan lagu jiro mawsimka xajka.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online