Aqoon–is-Weydaarsi ku saabsan horumarinta xir-fadlayaasha caafimaadka oo Muqdisho lugu qabtay
Jimco, August, 10, 2018 (HOL)–Waxaa
shalay gelinkii lagu qabtay magaalada Muqdisho aqoon-isweydaarsi hal maalin socday
oo ku saabsanaa barashada qorsheynta maamulka iyo istiraatijiyada ganacsiga
goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.
Aqoon is-weydaarsigan ayaa
waxaa soo qaban-qaabiyey hay’adda Caafinet oo ah heyad maxali ah oo ka shaqeysa
horumarinta iyo tayeynta xirfadleyda caafimaadka.
Hay’addan oo la aasaasay
sanadkii 2017 ayaa waxaa xubno ka ah kaadiriin isugu jira dhaqaatiir iyo
aqoonyahano kale oo ku taqasusay tayeynta arrimaha ganacsiga iyo fayo dhowrka
sida uu sheegay agaasimaha fulinta heyadda Caafinet Maxamed Cismaan Maxamuud oo
munaasabadaas ka hadlay.
"Caafinet waa heyad
maxali ah oo loogu talo galay iney ka caawiso goobaha caafimaadka ee gaarka loo
leeyahay la talin ku aadan horumarinta iyo tayeynta adeegyada ay bixiyaan iyo
sidii ay u yeelan lahaayeen qorshe hufan oo la xiriira habka maamulka iyo
Maareynta ganacsigooda" ayuu yiri Maxamed Cismaan Maxamuud.
Aqoon isweydaarsigan oo ay ka
soo qeyb galeen dhaqaatiirta dalka ka howlgasha qaarkood iyo aqoonyahano kala
duwan ayaa waxaa casharo ka bixiyey khubaro ku taqasusay barashada qorsheynta
maamulka iyo istiraatijiyada ganacsiga goobaha gaarka ah ee Caafimaadka,
Kuwaasoo si faahfaahsan uga hadlay sida ugu haboon ee loo horumarin karo
xirfadleyda Caafimaadka, iyadoo lala jaanqadayo hababka casriga ee ku soo
kordhay caalamka, waxayna ka qeyb galayaasha uga jawaabeen su'aalo mowduucan la
xiriiray.
Guddoomiyaha heyadda
horumarinta xirfadleyda Caafimaadka ee Caafinet Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo
isna munaasbadan ka hadlay ayaa ka waramay baahida loo qabo casriyeynta
goobaha Caafimaadka ee gaarka loo leeyahay iyo sidii ay uga gudbi lahaayeen
kala qoqobaanta.
"Haddii dhaqtar walba uu
gaar u furto Isbitaal sida hadaba jirta Waxay noqoneysaa dukaan uu shaqsi gaar
ah leeyahay oo aan laheyn qorshe fiican, waxaan u baahannahay inaan taas ka
gudubno oo aan helno isbitaalo awood u leh shaqadooda oo leh maamul dhexe,
ganacsi tayeysan iyo istaraatiijiyad shaqeyneysa xilli fog" ayuu yiri Dr.
Dalmar oo dhinaca kale u mahad celiyey ka soo qeyb galayaasha aqoon isweydaarsigan
iyo khubarada casharada ka bixiyey.
Senator Prof. Cismaan Max'uud
Dufle oo ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Somalia, Sidoo kalena ka mid ah
dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo gebagebadii aqoon isweydaarsigan ka hadlay ayaa
sheegay inuu ku faraxsan yahay ka soo qeyb galka kulankan oo oo uu sheegay inuu
lahaa ahmiyad weyn oo mudan in diirada la saaro.
"Waan u hambalyeynayaa
heyadda Caafinet oo soo qabanqaabisey aqoon isweydaarsigan muhiimka ah,
Runtiina isbitaalada gaarka loo leeyahay wax badan baa ka qaldan, kuwaasoo u
baahan in laga gudbo si ganacsigoodana uu u horumaro, bulshadana ay u helaan
adeeg tayo sare leh oo ay ku qanacsan yihiin" ayuu yiri Pof. Dufle.
Aqoon isweydaarsigan oo ku soo
dhamaaday jawi aad u wanaagsan ayaa intii uu socday sidoo kale ka hadlay Dr.
Maxamed Maxamuud Fuje oo ka tirsan bahda Caafimaadka iyo xubno kale oo ku
dheeraaday dhibaatooyinka ka jira isbitaalada gaarka ah leeyahay iyo habka ugu
haboon ee looga gudbi karo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]