4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 10, 2018
Xubno ka mid ah golihii wasiiradii hore ee Somaliland oo musuqmaasuq lagu helay

 

Jimco, August, 10, 2018 (HOL) – Guddida ilaainta iyo dabagalka hantida qaranka ee golaha wakiilada, ayaa eeddo musmusuq usoo jeedisay wasiiro ka tirsan xukuumaddii hore ee Axmed Silaanyo, kuwaas soo bandhigay lacag loogu talogalay mashaariic in lagu fuliyo oo aan lagu fulin.

Guddidan ayaa farta ku fiiqay laba mashruuc oo ah jeelka Burco iyo jeelka Boorama oo lacagtii loogu tallogalay la cunay, isla markaana ay heleen qiimaha lacagta loogu tallogalay iyo heshiishyada lala galay shirkadihii dhisayey.

“Guddidu sida mgacaba ka muuqda inay baadhitaan ku samayso oo ay hubin iyo dabagal ay ku leedahay qof kasta oo hanti qaran maamula ama imika ha maamulo ama ha ka tago waa la baadhayaa” ayuu yidhi xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa.

Gudoomiyaha Guddida ilaalinta Hantidda qaranka ee golaha Wakiiladda Somaliland xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa sheegay in qof kasta oo masuul ah la baadhi doonno, isla markaana mashruuc kasta oo dalka laga hirgaliyey dabagal lagu samayn doonno.

“Waxaa illaahay mahadii ah inaanu ku guulaysanay inaanu helno xisaab xidhkii sanadkii 2016kii oo aanu badka soo dhigno meelihii kharashkii loogu tallogalay aan lagu qaban, hore umay dhici jirin in marka qof mashruuc loo dhiibo cid ka taba tagnaa may dhici jirin, waanu soo eegnay in mashruucii la fuliyey iyo in aan la fulin.”ayuu yidhi Shire.

 

Waxaanu intaas ku daray “Jeelka Boorama iyo jeelka Burco waxay guddida qandaraasyadu heshiish la gashay shirkadda Al Barako Construction inay muddo laba sanno ah lagu dhameeyo, heshiishkaasi wuxuu dhacay 17/9/2015-kii, maxa loo fulin waayey, waxa kale oo jirta lacagtii loogu tallogalay oo ahayd 1.5 milyan dollar illaa hadana ma dhamaan mashruucyadii lagu fulinayey lacagtaasi waana qabyo wali”.

Sababta mashruucaasi u dhamaan waayeyna waxay gudidu ku eedeysay wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Cali Mareen, halka wasiirkii hore xidhiidhka goleyaasha Axmed Xaaji Daahir lagu eedeeyey in saddex jeer uu lacag ku qaatay lagu dhisayey garoonka kubadad cagta ee Boorama.

Guddidan ayaa sheegay in wixi mashruuc ee dalka laga fuliyey ay dib u baadhi donaan wasiir kasta oo ay gashana soo bandhigi doonaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland