4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 10, 2018
Labada waalid ee dhalay Melania Trump oo qaatay dhalashada dalka Mareykanka

 

Jimco, August, 10, 2018 (HOL) – Madaxweyne Donald Trump sodohdii iyo sodogii ayaa noqday muwaadiniin Maraykan ah iyaga oo loo sameeyay xaflad gaar ah.

Viktor iyo Amalija Knavs oo ah waalidka Melania oo ah xaaska Trump ayaa asal ahaan u dhashay Slovenia, dhaarta muwaadinnimada ayayna ku mareen New York Khamiistii, sida uu xaqiijiyay qareenkooda.

Wuxuu sheegay in lamaanahaasi ay Maraykanka ku joogeen sharciga degenaanshaha ee green card-ka loo yaqaanno oo ay gacan ka siisay Melania.

Trump ayaa horay u dhaliilay dadka Maraykanka ku soo gala qoysnimada,Wuxuu ku baaqay in la sameeyo hab dadka xirfadleyaasha ah ka hormarinaya dadka qaraabada ah, wuxuuna weeraray shuruucda soo galootiga iyo dadka soo galootiga ah laftirkooda.

Melania Trump ayaa dhalashada Maraykanka qaadatay 2006dii, ka dib markii ay dalkaas ku gashay dal ku galka loo yaqaanno "dadka awoodaha qayru caadiga ah leh" iyada oo 2001dii markaas ku shaqaynaysay dadka ii dhehyada sameeya.

Sharciga socdaalka ee Maraykanku wuxuu dhigayaa in Melania waalidkeed ay haystaan sharciga daganaanshaha ugu yaraan shan sano ka hor inta aysan jinsiyad dalbanin.

Qareenkooda oo xalfadda jinsiyada kala qayb galay ayaa sheegay in ay buuxiyeen shuruuddii shanta sano ahayd, balse wuu diiday in uu saxafiyiinta siiyo faahfaahin intaas ka badan.

Xigasho BBC