4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 1 , 2018
Golaha Wasiirada Soomaaliya oo caawa ku hooyanaya magaalada Garoowe


Arbaco, August , 01, 2018 (HOL) –Golaha Wasiiradda xukuumadda Soomaaliya oo galinkii danbe ee maanta hal diyaarad ka raacay magaalada Muqdisho ayaa caawa ku hooyanaya magaalada Garoowe ee xarunta maamul gobolleedka Puntland.

Horay waxaa Garoowe u sii joogay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo isaga iyo xubno kale oo Wasiirro ah halkaa ku sii sugnaa labadii cisho ee la soo dhaafay.

Wafdiga galabta gaaray Garoowe waxaa hogaaminayay ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, waxaana maalinta Berri ah oo Khamiis ah halkaa uga furmaya shirkii todobadlaha ahaa ee golaha xukuumadu yeelan jireen.

Garoowe waa magaalada Labaad ee Golaha Wasiirrada xukuumada Soomaaliya shir uga furmo, marka laga soo tago magaalada Muqdisho, horay waxaa ay sidan oo kale ugu shireen magaalada Kismaayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]