3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 1 , 2018
Shir nabadeedkii Ceel-Afweyn uga socday laba beeleed oo go’aammo laga soo saaray


Arbaco, August, 01, 2018 (HOL) - Shirkii nabadeedkii ka socday Ceel Afweyn ee lagu soo afjarayey shaqaaqo ka dhextaagnayd laba beelood oo walaalo ah oo deegaanka wada daga ayaa maanta go’aamo shareecada ku qotoma laga soo saaray.

Shirkan waxa go’aaminayey guddi culimo ah oo shareecada islaamka ku xalinayey khilaafka labadan beelood iyo sidii loo kala xukumi lahaa.

Sidoo kale, madax dhaqameedka ka soo kala jeedda labaddan beelood ayaa iyaguna saxeexay heshiishkaaasi, isla markaana ogolaaday go’aamadda laga soo saaray dagaaladda soo noqnoqday ee labadan beelood oo mudadii uu socday ku nafwaayey dad aad u faro badan.

Gudoomiyaha guddida dhex dhexaadka ee culimdda Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar iyo Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa sheegay in go’aamadda lagu dhaqmo oo la tixgaliyo,isla markaana aanay dib u dhicin inay jabto.

Sheekh Ismaaciil Cabdi Hure Dheeg oo afhayeenka guddida ah ayaa shaaciyey go’aamadda laga soo saaray shaqaaqooyinka soo noqnoqda, waxaana kamid ah go’aamadaasi:

1. Waxaa loo aqoonsaday in dagaalkaasii uu ahaa dagaal qabiil oo fidmo ah oo aan diinta meelna kaga jirin, dadkiina waxaa laga dalbaday in ay denbi dhaaf iyo toobad la yimaadaan.

2. heshiishyadii hore ee beeluhu hore u gaadheen iyo wixii go’aan ee guurtidu soo saartay waa in sidoodii loo fuliyo.

3. dhimshada wiixii dad ku kala dhintay beelaha ee laga heshiiyey ama go’aan ka soo baxay waxaanu xukunnay in loo fuliyo sidii loogu heshiiyey, wixii aan hore heshiish ka soo bixin ama go’aan ka soo bixin ee ku saabsan dhimasho, dhaawac iyo hanti, waxaanay yihiin labaatan qof oo beeluhu iska dileen intii ka dambaysay go’aamadii hore ee laga heshiiyey.

4. dhaawacyadda, waxa loo kala xukumay 136 qof oo labadda dhinac iska dhaawaceen.

5. dacwada dhulka iyo deegaanka waxa aanu ka xukunay in umadda wada leedahay oo aan la kala sheegan Karin, in ceelasha la wada cabo, daaqa la wadaago si cadaalad ah looga fa’iidaysto, cidii deegaan cusub rabta inay samayso sida Tuulo, Baraago, Beero waa inay fasax ka qaatan dawlada oo labada dhinac ku heshiiyaan si aanay fidmo dambe uga dhalan, hadii cidi samayso deegaan cusub cid kale xaq uguma laha inay kula dagaalanto ee waa inay dacwadeeda u gudbiso dawladda.

Shir nabadeedkan waxa goob joog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, wasiirka Arrimaha gudaha, qaybaha kala duwan ee ciidanka, madax dhaqameed ka kala yimid Somaliland, culimo’udiinkii ugu waaweynaa, siyaasiyin iyo gudoomiyeyaasha xisbiga UCID iyo WADANI.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
8/1/2018 3:08 PM EST
Arbaco, August , 01, 2018 (HOL)–Golaha Wasiiradda xukuumadda Soomaaliya oo galinkii danbe ee maanta hal diyaarad ka raacay magaalada Muqdisho ayaa caawa ku hooyanaya magaalada Garoowe ee xarunta maamul gobolleedka Puntland.

8/1/2018 1:25 PM EST
Arbaco, August , 01, 2018 (HOL)-Qaraxan oo dhacay fiidkii hore ee caawa ayaa waxaa la sheegayaa in qof walxaha qarxa ku xirnaayeen uu beegsaday gaari ay saaraayeen mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka Khaatumo garabka loogu yeero Badbaado Khaatumo.

8/1/2018 8:47 AM EST
Arbaco, August, 01, 2018 (HOL) War qoraal ah oo ka soo baxay safaarada Jabuuti ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Jabuuti siweyn uga naxday hadal uu dhawaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka sheegay magaalada Asmara oo ahaa in cunaqabateynta laga qaado dalka Eritrea.

8/1/2018 3:53 AM EST
Arbaco, August, 01, 2018 (HOL)– Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo booqasho ku jooga Puntland ayaa dhaleeceyn kala kulmey qaar ka mid ah isimada iyo siyaasiyiinta Puntland oo ku dhaliilay ra'iisul wasaaraha inuusan ka qeybgalin munaaasabadda lugu casuumay ee shalay lugu dhagax-dhigay dekedda Garacad iyo waddo laami oo isku xireysa deegaanka iyo degmada Galdogob.

8/1/2018 3:14 AM EST
Arbaco, August, 01, 2018 (HOL)–Wasiirka wasaaradda arrimaha dibeda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo Qoraal kooban soo dhigay boggiisa Twitter-ka ayaa wax-ba kama jiraan ku tilmaamay warar soo baxayay oo sheegaya in madaxweynaha Jabuuti booqanayo dhawaan dalka Eritrea.

8/1/2018 1:22 AM EST
Arbaco, August, 01, 2018 (HOL)–Howlgal qorsheysnaa oo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ka sameeyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose waxaa ay sheegeen in ay ku qabteen 11 dagaalyahanno ka tirsan xoogagga Al-shabaab.

8/1/2018 1:04 AM EST
Arbaco, August, 01, 2018 (HOL)–Dhibaato dhaqaale, shaqaale yari iyo waliba daruufo kale oo la soo darsay ayaa laga yaabaa ugu danbeyntii ay meesha saarto Adeega AAMIN AMBULACE ah adeeg siweyn 12kii sano ee la soo dhaafay u mahadiyeen shacabka reer Muqdisho oo ay daashadeen dagaallo iyo colaado sokeeye.

8/1/2018 12:35 AM EST
Arbaco, August, 01, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha ganacsatada dowlad gobolleedka Jubbaland, islamarkaana ah xoghayaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed Shaafi Raabi oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay wax-yaabihii ka qabsaday garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.