Jabuuti oo jawaab adag ka bixisay hadal uu madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Asmara
Arbaco, August, 01, 2018
(HOL) War qoraal ah oo ka soo baxay
safaarada Jabuuti ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Jabuuti siweyn uga naxday hadal uu dhawaan madaxweynaha
dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka sheegay magaalada Asmara
oo ahaa in cunaqabateynta laga qaado dalka Eritrea.
Waxaa lagu sheegay qoraalka in
dowladda Jabuuti siweyn uga naxday hadalka madaxweyne Farmaajo oo ahaa in
Qaramada Midoobey ka dalbanayaan in laga qaado Eritrea cunaqabateynta
lagu soo rogay sannadii 2009ka kaddib markii loo arkay in ay dhibaato ku tahay
xasiloonida qaarada iyo wadamada dariska la ah. dhinaca kalana taageero siiso kooxaha argagixisada oo Al-shabaab-na ka mid tahay.
Sidoo kale Jabuuti ayaa sheegtay
in taa badalkeeda ay jeclaan lahaayeen in madaxweynuhu soo hadal qaado
mashaakilka ka dhax jira labada dowladood ee Eritrea iyo Jabuuti ee dhinac
xadka, kuna baaqo in si deg deg ah loo soo afjaro.
Warar ay heshay Hiiraan Online
ayaa sheegaya in safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xassan Aadan uu ka
anbabaxay magaalada Muqdisho kaddib markii uu soo baxay qoraalka, lamana oga in
safiirku u tagay arintan dardeed iyo in kale.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan booqasho rasmi ah oo qaadatay saddex cisho waxaa uu ku tagay magaalada
Asmara, halkaa uu ka sheegay in ay dalbanayaan markan in cunaqabateynta saaran
laga qaado xukuumadda Asmara.
Marka aad u sii firsato qoraalka waxaa kuu muuqanaya in
dowladda Jabuuti siweyn uga carreysan tahay booqashadii madaxweyne Farmaajo uu
ku tagay Asmara, xili dhinaca kale uu jiro khilaaf Jabuuti kala dhaxeeya Eritrea.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]