Puntland: Ra'iisul wasaare Khayre oo lugu dhaleeceeyay inuusan ka qeybgalin dhagax-dhiga dekedda Garacad
Arbaco, August, 01, 2018 (HOL)– Ra'iisul wasaaraha
Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo booqasho ku jooga Puntland ayaa dhaleeceyn
kala kulmey qaar ka mid ah isimada iyo siyaasiyiinta Puntland oo ku dhaliilay
ra'iisul wasaaraha in uusan ka qeybgalin munaaasabadda lugu casuumay ee shalay
lugu dhagax-dhigay dekedda Garacad iyo waddo laami oo isku xireysa deegaanka
iyo degmada Galdogob.
Islaan Bashiir Islaan
Cabdulle oo ka mid ah isimada Puntland ee labada mashruuc dhagax-dhigay ayaa ka
sheegay munaasabadda dhagax-dhiga,inay aad uga xumaadeen ra'iisul wasaaraha oo
jooga Puntland inuusan munaasabadda ka qeybgalin, wuxuuna caddeeyay dowladda
Federaalka inaysan heli doonin sabab lugu qanco oo arrinta lugu gudi doono.
"Madaxda aan halkan ku casuunay waxaan u heysannay madax qaran oo umadda
Soomaaliyeed oo dhan u dhaxeysa siddan moodeyney ma noqon .. laakin waanan isku
haleyn doonin."ayuu yiri Islaan Bashiir .
War-saxaafadeed goor dhow ka
soo baxay siyaasiyiin ku bahoobay urur ay u bixiyeen Puntland Focus Group ayaa
dhankooda sheegay in ay aad iyo aad uga xunyahay in ra'iisul wasaare,
Khayre oo booqasho rasmi ah ku jooga Puntland uu diido ka qayb-galka iyo
dhagax-dhigga mashruuca dekedda Garacad oo ah dadaal reer Puntland si iskutashi
ah u wadeen muddo dheer.
" Puntland haddii ay
wanaag waddo oo xumaan lagu sameeyo ma in iyaduma xumaan samaysa, waa maya.
Wanaagii baan waddi doonaa.” ayuu yiri madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas oo
hadalkan ka jeediyay munaasabaddii lugu dhagax-dhigay mashaariicda.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]