4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 1 , 2018
Puntland: Ra'iisul wasaare Khayre oo lugu dhaleeceeyay inuusan ka qeybgalin dhagax-dhiga dekedda Garacad

 

Arbaco, August, 01, 2018 (HOL)– Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo booqasho ku jooga Puntland ayaa dhaleeceyn kala kulmey qaar ka mid ah isimada iyo siyaasiyiinta Puntland oo ku dhaliilay ra'iisul wasaaraha in uusan ka qeybgalin munaaasabadda lugu casuumay ee shalay lugu dhagax-dhigay dekedda Garacad iyo waddo laami oo isku xireysa deegaanka iyo degmada Galdogob.

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ka mid ah isimada Puntland ee labada mashruuc dhagax-dhigay ayaa ka sheegay munaasabadda dhagax-dhiga,inay aad uga xumaadeen ra'iisul wasaaraha oo jooga Puntland inuusan munaasabadda ka qeybgalin, wuxuuna caddeeyay dowladda Federaalka inaysan heli doonin sabab lugu qanco oo arrinta lugu gudi doono.

"Madaxda aan halkan ku casuunay waxaan u heysannay madax qaran oo umadda Soomaaliyeed oo dhan u dhaxeysa siddan moodeyney ma noqon .. laakin waanan isku haleyn doonin."ayuu yiri Islaan Bashiir .

War-saxaafadeed goor dhow ka soo baxay siyaasiyiin ku bahoobay urur ay u bixiyeen Puntland Focus Group ayaa dhankooda sheegay in ay aad iyo aad uga xunyahay in ra'iisul wasaare, Khayre oo booqasho rasmi ah ku jooga Puntland uu diido ka qayb-galka iyo dhagax-dhigga mashruuca dekedda Garacad oo ah dadaal reer Puntland si iskutashi ah u wadeen muddo dheer.

" Puntland haddii ay wanaag waddo oo xumaan lagu sameeyo ma in iyaduma xumaan samaysa, waa maya. Wanaagii baan waddi doonaa.” ayuu yiri madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas oo hadalkan ka jeediyay munaasabaddii lugu dhagax-dhigay mashaariicda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online

[email protected]