4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 1 , 2018
Wasiirka arrimaha dibeda Jabuuti : Ma jirto booqasho madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ku tagayo Eritrea

 

Arbaco, August, 01, 2018 (HOL)–Wasiirka wasaaradda arrimaha dibeda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo Qoraal kooban soo dhigay boggiisa Twitter-ka ayaa wax-ba kama jiraan ku tilmaamay warar soo baxayay oo sheegaya in madaxweynaha Jabuuti booqanayo dhawaan dalka Eritrea.

Wasiirka ayaa ku tilmaamay wararka ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta kuwo aan waxba ka jirin, isaga oo intaa ku daray in wali aan xal laga gaarin sida uu hadalka u dhigay qalalaasihii dhinaca xadduuda ee labada dowladdood Jabuuti iyo Ertirea.

 

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya kaddib markii qaar ka mid ah warbaahinta lagu daabacay warar sheegaya in dhawaan magaalada Asmara uu tagi doono madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Dowladda Jabuuti ayaa dhawaan ka cosatay Qaramada Midoobey in la xaliyo khilaafka dhinaca xudduuda ah ee kala dhaxeeya dalka Eritrea.

Ertiea iyo Itoobiya ayaa iyagu soo afjaray colaad ka badan 20 sano soo soctay, waxaana hadda muuqata in xukuumada Asmara mar kale dib u soo ceshan doonto maqaamkeedii ay ku laheyd qaarada iyo guud ahaanba caalam-ka intiisa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]