4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 1 , 2018
Saraakiisha dowladda oo sheegay in ay qabteen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab

 

Arbaco, August, 01, 2018 (HOL)–Howlgal qorsheysnaa oo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ka sameeyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose waxaa ay sheegeen in ay ku qabteen 11 dagaalyahanno ka tirsan xoogagga Al-shabaab.

Mid ka mid ah saraakiisha howlgalka ka qeyb-qaatay oo magaciisa ka gaabsaday lana hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka lagu soo qab qabtay howlgalkan ku jiraan saraakiil Al-shabaab, isaga oo intaa raaciyay in ay sidoo kale ka mid tahay dadka ay qabteen qof dumar ah.

‘’11ka ruux ee howlgalka lagu qabtay waxaa ka mid ah qof dumar, sidoo kale waxaa ku jira madaxii maaliyada ee Al-shabaab u qaabilsanaa Afgooye ayuu yiri’’ sarkaalka u hadlay ciidamada howlgalka fuliyay.

Degmada Afgooye waxaa halka ugu badan oo ay ka dhacaan weerarrada Al-shabaab ay ku qaadaan xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ee gobolka Shabeellaha hoose.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]